Muqdisho, June 22, 2016: Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa magaalada Gaalkacyo ku dileen AUN isku duwihii wasaaradda qorsheynta dowladda Puntland u qaabilsanaa gobolka Mudug Cabdullaahi Maxamed Faarax, dilkaas oo ka dhacay Xaafadda Garsoor, iyadoo dableydii ka dambeysay ay baxsadeen.
Ciidamada ammaanka ayaa howl gallo ka sameeyay halka uu dilka ka dhacay, balse uma suura gelin inay soo qabteen kooxihii dilka ka dambeeyay, balse waxaa la sheegay in lagu raad joogo.
Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca waqooyiga Gaalkacyo, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, iyadoo horay waqooyiga Gaalkacyo loogu dilay Guddoomiyihii ururka haweenka Gobolka Mudug,AUN, Dhudi Yuusuf.
————————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________