411 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka cusub ee Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka cusub ee Qatar
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 22, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Danjire Al-nuceymi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, taas oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Tamiim Binu Xamad.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post