Talaado: NOVEMBER 15, 2022
Wararka kia imaanaya caawa degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in heshiis Xabad joojin ah oo hor dhac ah laga gaaray dagaalkii ka dhacay degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in Xubno uu horkacayo Imaamka Mudulood ay ku guuleystay inay xabad joojin kala dhex dhigaan beelihii ku dagaalamayay deegaanadaasi, islamarkaana la kala qaaday ciidamadii labada dhinac ee is horfadhiyay
“Maanta iyo shalay waxaa tagnay dhamaan aaggagii ay xabadu ka dhaceysay oo ciidamadu isku horfadhiyeen, marka isku marnay intaas waxa isku afgaranay dadkii deegaan iyo ciidamadii joogay in xabad dambe aysan dhicin oo ciidamada aagga laga bixiyo,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay xubnaha uu horkacayo Imaamka Mudulood.
Sidoo kale waxa lagu sheegay in dhinacyada isla qaateen ku dhawaaqista gogol nabdoon oo la dhigayo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________