Isniin: OCTOBER 3, 2022
Mareykanka ayaa war kasoo saaray qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
War saxaafadeed lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee Saraafadda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa lagu yiri:
“Mareykanku wuxuu cambaareynayaa weerarrada Al-Shabaab ee Beledweyne, oo lala beegsaday saraakiisha dowladda ee ka shaqeynayay sidii ay nabad uga dhigi lahaayeen gobolka iyo shaqaalaha caafimaadka ee u adeegayay dhaawacyada. Waxaan tacsi u direynaa dadka laga dhintay. Waxaan dadka Soomaaliyeed ku taageereynaa dagaalka ay ku raadinayaan nabad iyo mustaqbal fiican.”
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________