471 Views

Wasiirka Isgaarsiinta Oo Ka Qeybgalay Doorashada Hoggaanka Ururka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah Ee (ITU)

Wasiirka  Isgaarsiinta Oo Ka Qeybgalay Doorashada Hoggaanka Ururka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah Ee (ITU)
____________________________________________________________________________

Khamiis:SEPTEMBER 29, 2022 

Waxaa magaalada Bukharest ee Dalka Roomaaniya ka socda shirka Wadamada Xubnaha ka Ah Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee loo yaqaanno ITU. Waxa uga qayb-gelaya Soomaaliya Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda oo ay joogaan hadda Wefdi uu hogaaminayo Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda.

Shirkan oo afartii sanno mar la qabto oo ay kasoo qayb galaa wasiiradda dalalka xubnaha ka ah ayaa waxa maanta bilowday doorashada hogaanka cusub ee 3da sanno ee soo socda. Waxa lagu doortay sanadkan Dooree Bogdan-Martin oo loo doortay Xoghaya Guud oo kasoo jeeda Maraykanka iyo Tomas Lamanauskas oo loo doortay ku xigeenka xoghayaha guud oo isna kasoo jeeda dalka Lituwaaniya. Waxa sidoo kale socon doona doorashooyinka xubnaha iyo wadamada golayaasha kala duwan ku matali doono qaaradaha iyo gobolada ay ka tirsanyihiin, iyo xilalka agaasin ee kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Jaamac Xassan Khaliif ayaa u hambalyeeyay hoggaanka cusub, kuna bidhaamiyay ahmiyadda ay leedahay in ay ka shaqeeyaan sidii wadamada soo koraya loo soo gaarsiin lahaa kuwa dhinaca teknoolojiyadda iyo isgaarsiinta ku hormaray, lagana wada shaqeeyo in qof walba oo dunida ku nool uu u heli lahaa adeeg isgaarsiineed oo uu awoodi karo kharashkiisa, iskuna halayn karo isticmaalkiisa.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka qayb galay kulankii dawladda roomaania ay martigelisay ee lagu soo saaray bayaanka madaxdii kasoo qayb gashay ay ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo sidii qof walba uu u heli lahaa nolol ku dhisan teknoolojiyadda casriga ah. Mabaadída lagu heshiiyay Bayaanka Bukharest waxa ka mid ahaa xoojinta iskaashiga isku xirka isgaarsiinta, horumarinta iyo kobcinta xirfadaha teknoolojiyadda ama digitalka ah, iyo in looga faaiidaysto teknoolojiyadda si waafaqsan mabaadi’da iyo akhlaaqda wanaagsan.

Sidoo kale wasiirku wuxuu la yeeshay kulamo gaargaar ah madaxdii ka socotay dalalka aan saaxiibadda nahay oo ay ka faqeen sidii la iskaga kaashan lahaa horumarinta teknoolojiyadda dalka.

Shirkan oo furmay 24-kii bisha Sebtember wuxuu socon doonaa illaa 14-ka bisha Oktoobar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post