Sabti: SEPTEMBER 24, 2022
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidamada Xoogga Odowaa Yuusuf, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa gaaray deegaanno dhawaan laga saaray Al-shabaab.
Mas’uuliyiinta ayaa deegaanada ay gaareen waxaa kamid ah furimaha Sinadhaqo, Gusar, Dhaban-Dhulkuheys iyo Labidulle oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda.
Mas’uuliyiinta ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Hoggaamineysa howgalka, taasi oo ku aadan xaalada deegaanada ay ka socdana dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Masuuliyiintan ayaa Ciidanka ku boggaadiyay iyo in loo diyaar garoobo dagaal Al-shabaab looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________