423 Views

Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga oo loo ogolaaday in dib looggu tiriyo codadkii la dhiibtay qaarkood

Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya  Raila Odinga oo loo ogolaaday in dib looggu tiriyo codadkii la dhiibtay qaarkood
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 31, 2022

Dhageysiga dacwadda la gudbiyey ee doorashada Madaxweynaha ee Kenya, taasoo ka dhan ah natiijadii doorashada ee dhacday 9-kii bishan Ogosto, ayaa saaka bilaabatay.

Qareenada u doodaya mid kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimada ee Raila Odinga, ayaa hadda soo bandhigay kiiskooda.

Waxay doonayaan in ay meesha ka saaraan ku dhawaaqista William Ruto, ee ah inuu yahay madaxweynaha la doortay.

Waxay heystaan ​​lix saacadood oo ay ku gudbiyaan doodda iyo macluumaadka ay xambaarsan tahay.

Qareenada dhanka sharciga ee, William Ruto, iyo kuwa matalaya guddiga doorashada, ayaa sidoo kale gelinka dambe ee maanta wajihi doona 7-da garsoore.

Dhinaca kale, kormeerka, baadhista iyo dib-u-tirinta codadka 15 goobood oo lagu muransan yahay codadkii laga dhiibtay, ayaa sidoo kale ka socda xarunta maxkamadda.

Dadka reer Kenya, ayaa si weyn ula socda dacwadda laga sii daynayo taleefishinka ee maanta si buuxda loo daawanayo.

Xukunka ayaa la filayaa in uu soo baxo 5-ta bisha September.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post