Axad:AUGUST 14, 2022
Dabley hubaysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo dhanka Maamulka Puntland waxa ay ku toogteen sarkaal sare oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland.
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda.
Dilka kadib waxaa goobta isaga baxsaday dableyda hubeeysan ee dilka geeysatay, sida ay inoo shegeen dad gobjogayaal ah, waxaana goobta soo gaaray Ciidamada Amaanka maamulka Puntland.
Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga ayaa KNN u xaqiijiyay in aysan jirin weli cid loo qabtay dhacdadaas, ayna wadaan baaritaano dheeraad ah.
Ilaa iyo hadda ma jirto Cid sheegtay masuuliyadda dilka mana Cadda sababta loo dilay, waxa aysa Ciidamada ammaanku shegeen in ay xogta oo dhameeytiran la wadaago doonaan warbaahinta.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________