858 Views

Qabanqabadii u danbeeysay ee xaflaxda Caleema Saarka Madaxweynaha oo Muqdisho ka socota.

Qabanqabadii u danbeeysay ee xaflaxda Caleema Saarka Madaxweynaha oo Muqdisho ka socota.
____________________________________________________________________________

 Arbaco: June 8, 2022

 

Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta looga arimiyo dalka ee Villa Soomaaliya ka socoto qabanqabadii ugu danbeysay Ee xaflada caleema saarka Madaxweynaha 10-aad ee JFS xassan Sheekh Maxamuud.

Xafladaan oo ay kasoo qeeyb geli doonaan Wufuud ka kala socoto wadamadda Caalamka iyo madaxda gobolka ayaa dhici doonto sida la qorsheeyay 9ka bishaan oo ah maalinta khamiista ah oo fooda inagu soo heeyso.

Wufuud hor dhac ah u ah madaxda wadamada gobolka iyo safiiradda Caalamka ayaa soo gaarayay maalmahaan magaalada Muqdisho kuwaa oo lagu casuumay ka qeeyb galka xafladda caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilaa iyo hada madaxda la filayo in ay yimaadan Muqdisho maanta waxaa kamid ah madaxweynaha jamuuriyadda jabuuti Ismaaciil Cumer Geelle, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr abiy Axmad, madaxweeynaha Eritrea isaias afwerki, iyo Madaxweynaha kenya Uhuru Kenyatta, wallow ay jiraan madax kale oo la filayo in kasoo qeeyb galaan xaflada caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post