Qof aan dhul marin, dhaayo maleh!
HORDHAC/GOGOL-DHIG
Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Fadlan lasoco meelaha ka midabka duwan qoraalka, waa Link-yo (Hyperlinks) qoraalka kulifaaqan, kuwaasoo lagusoo ururiyey baaritaanka (Research-ka) qoraalka lagu sameeyey, macluumaad dheeri ahna kusii siinaya, sida qoraallo iyo video-yo muhiim u ah qormooyinkan.
QORMOOYINKII TIXANAHA AHAA EE WADANKA PAKISTAN
Aqirtoow; Qormooyinka tixanaha ah, ee wadamadii aan kusoo noolaaday aan uga faalloonayo, waxaan bilaabay 2006-dii, oo magaalado-madaxdii horee dalka Pakistan ee Karachi, ee aan kunoolaa mudo 8-sano ah (2002-2010), waxbarashadeeydii heerarka kala duwane jaamacadeedna aan kusoo qaatay, ayaa waxaan kasameeyey qormooyin tixane ahaa, oo aan billaabay taariikhdu markii eey aheyd July 25, 2006-kii. Qormooyinkaa oo lahaa qeybo kala duwan, ayaa ciwaankoodu wuxuu ahaa: WARBIXINTII WAXBARASHADA IYO ARDEYDA SOOMAALIYEED EE WADANKA PAKISTAN. Waloow eey jireen qoraallo kaloo kali-kali ahaa, oo aan iyana kasameeyey isla wadanka Pakistan, kuwaasoo eey ugu xiiso badneyd qormadii ciwaankeedu ahaa: Dhaqamadii Qoyska ee iigu yaabka badnaa wadanka Pakistan!
QORMOOYINKII TIXANAHA AHAA EE WADANKA MALAYSIA
Sanado kabacdi waxaan sanadkii 2010-kii usoo wareegay magaalada Kuala lumpur, oo ah caasimada dalka Malaysia, taasoo iyana maamule kulliyadeed iyo macallin jaamacadeed aan mudo 4-sano ah ka ahaa (2010-2014). Xilligaa isla markii aan Malaysia imid, waxaan billaabay in aan qormooyin tixane ahaa kasameeyo, si ummadeeyda Soomaaliyeed aan uga haqabtiro warbixinno hufan, oo dhinackasta ah, kuna saabsan dalkaa Malaysia. Waxaan dareensanaa in eey jiraan Soomaali badan, oo waxbarasho-doon ah, ama iyaga ha uyimaadeen waxbarashadaa, ama dadkooda waxbarasho ha usoodireen’e. Waxaa dabcan jirey kuwo caafimaad-doon ah, kuwo qoysaskooda wadamada gaalada kalasoo cararayey, oo dal Islaam ah laraadinayey, dhamaantoodna aad uga duceyn lahaa, mar hadii eey heli lahaayeen macluumaadka eey raadinayaan, gaar ahaan midka Malaysia kusaabsan. Qormooyinkaas ciwaankoodu wuxuu ahaa ahaa: (QALINKII CABDIBOQOR IYO QORMADIISII MALAYSIA). Qormooyinkaas mudo dheer kabacdi, markii waxbadan aan iftiimiyey, waan joojiyey.
QORMOOYINKAN TIXANAHA NOQON DOONA EE DALKAN MAREEYKANKA
Hadda oo aan Mareeykanka usoo guureyna (2014-ka)-Illeeyn Soomaalidu iyadoo awalba heer-guuraa aheyd, baa hadana dalkoodii iyo dowladnimadoodii kasii burburtaye-Waxaan is iri, bal adigoo maanka kuhaya baahidii nuucyadeedu kala duwaneyd, ee aad dartood qormooyinkii Pakistan iyo Malaysia usameeysey, hadana sidii si lamid ah, bal qormooyin tixane ah Mareeykankana kasamee, si ummadaada Soomaaliyeed meelkastaba hajoogaane, eey uga wada faa’ideeystaan, illeeyn inta aad kucusub tahay, oo aad “Flight 13” kutahay dal aad kala dhaqan iyo diin duwantihiin, ayaa ah waqtiga ugu wanaagsan in aad waxkaqorto, waana inta aaneey waxkasta iska caadi kulanoqon, oo dareenkaadu aanu laqabsan’e. Sidaa daraadeed qeybtan ugu horreeysa waxaan uga hadli doonaa, dhibka kala heysta waalidiinta, iyo waxbarasho kafasahaadida caruurta Soomaaliyeed waxa sababa, iyo xilliyada eey dhallinyarada dibjirnimada ku billaabato.
MAXAA KALA HEYSTA CARUURTII SOOMAALIYEED IYO DUGSIYADA SARE?
Aqristoow, kadib markii aan dalkan Mareeykanka imi, waxaan fursad uhelay in aan booqasho ku kala bixiyo Iskuullo aad ufara badan. Waxaan indhaheeyga kusoo arkay, waxbadanoo ummadan Mareeykanka agtooda caadi ka ah, balse naxdin ku ah dadkeena Soomaaliyeed ee Muslimiinta diintooda, iyo dhaqankooda kudhagan ah.
Aan toos ugalo’e, halista dhabta ah ee fasahaadida/halloowga ilmaha Soomaaliyeed, waxeey sidhab ah uga billaabataa marka eey kasii baxayaan dugsiga dhexe (Middle School-ka/Junior high), oo ay siigalayaan dugsiga sare (High School-ka). Waana sababta keentey in waalidiinta Soomaaliyeed, ee diinta leh, waxbadanna fahamsan, eey Ilmahooda marka eey dugsiga sare gaaraan kala cararaan dalkan Mareeykanka, iyo guud ahaan wadamada reer-galbeedka.
Dhibka jira hadaan meeldhow idinka tuso, idinna tusaaleeyo; ugu horeyn iskuullada dalkan Mareeykanka inta ugu badan wax uniform ah kamajiro, sidaa daraadeed marka laga reebo dhar calaamado gaar ah leh maahane (Gang signs), ardayada ama ardeygu siduu rabo ayuu usoo labisan karaa. Timahana siduu rabo ayuu yeelankaraa, sidaa daraadeed gabdhaha fasallada dhexe kasiibaxaya, kuwa sarena siigalaya, oo ubadan kuwo aan gaarin da’dii qaan-gaarka sharciga aheyd ee dalkan Mareeykanka (18-Sano), balse ismooda iskana dhigaya naago waaweynoo, wax udhimani aaneey jirin, ayaa waxeey intooda badani ulabistaan si yaab badan. Waxeey qaarkood sooqaataan saraawiisha aadka ujilicsane, jirkana aadka ugu dhagan (Soft body tight), kuwaasoo meelkasta kaladhexgala, waxkastana usawira sidii iyadoo aanu dharkuba saarneyn, ama saraawiil moodhel (Fashion) lagu sheegay, oo boowdooyinka, cajirrada, iyo jilbahaba laga jeexjeexay! Qeybta korena waxeey gabdhahaasi muujiyaan kalajeexa xabadkooda, oo dhinacyada lagasoo riixay/abiibay. Nasiibdarro! Waxaad maqleeysaa gabdho Soomaaliyeed oo guryahooda xijaab iyo asturnaan uga baxa, waalidkoodna sidaa ku ogyahay, balse markaa eey bii’adaa dhexgalaan, waxkasta iska tuura, lana soobaxa labis lamid ah kuwa ardeyda kalee Gaalada ahi wataan, si eey dadkaa dhinac uga raacaaan, ugana nabadgalaan culeyska asxaabtooda (Peer Pressure). Dhanka kale, inta bdan wiilkasta iyo gabarkastaahi waxeey leedahay saaxiib xiriir gaar ah la leh (Boyfriend iyo girlfriend), midkii ama midii aan laheeynse, waxaa loo arkaa mid wax si kayihiin, meeli dhiman tahay, liidata, oo cid rabtaahiba weeysey, taasoo kudhiiragalinta howlahaa ugu filan.
Waxaa iigu yaab badneyd markaan arkay wiil iyo gabar isku dhexdhuuqayo maqaayad mid ka mid ah iskuullada, oo eey wada buuxaan ardeydii, maamulka, iyo macallimiinta qaar, marka anigan cusub laga reebana, cidkasta eey wax iska caadi ah latahay. Fasallada dhexdoodana qaar waxeey isula fadhiyaan laba-labo jaceyl wada jileeysa, Gacmahoodana “Meelkasta” wada mushaaxayaan, faruuryahana sidoo kal, iyadoo isha macallinka uun la iska gaadayo-Waloow macallinkana waxkastaba lasocdo- e. Mucaanaqada/Hug isa siinta wiilasha iyo gabdhaha, ee la ismajuujinayee, mudada la isku dhaganaanayo iyadu waaba iska caadi.Waa sideey u arkaane.
Dhanka waxbarashada iyadana iskuullada wax cadaadis gaar ah cid Ilmaha saareeysaahi majirto. Hadal daganoo sasabid ah, oo ikhtiyaar buuxa uu uleeyahay in uu qaato, iyo in uu iska daayo maahane wax kale cidi lama daba taagnaaneeyso. Sida aan ku arkay iskuullada marba hadii cunugaa aanu ardeyda kale dhib ugeeysaneyn, iyo macallinkaba (Behavior issues), oo geedi-socodka duruusta fasalka aanu caqabad ku aheyn, cid howshiisaba galeeysa malaha, wuu iska imaankaraa, haduu doono qalin la’aan, buug la’aan, boorso la’aan, maantoo dhan haduu rabo waxba yaanu qorin, waxba fahmin, oo waxba yaanu baran, isaga iyo waalidkiisa beey utaallaa. Macalinka imtixaanka ayuu kuridayaa uun, hadii uu wax fiican keensan waayo. Ugu dambeyn; marka duruustii isu ururto, leyliyadii buuro noqdaan, imtixaannadii lagu wadadhoco, dhanka kalena baashaal iyo jaceyl-jilid iyo arimo Jinsi muujintood, iyo sameyntood oo la isugu faanayo lagu mashquulo, qaarna kuba uuroobaan (Teen Moms), ama wax uureeyaan, taageero waxbarasho xaga guriga ahna aaneey jirin, waxbarasho weey kudeeysey! Wuxuu cunugaa ugu dambeyn ku qasbanaanayaa in uu iskuulkii katago (School Drop-out), Bannaankana markaa waxaa utaagan saaxiibadii sidiisoo kale Iskuullada kawada tagay (The drop-outs), oo Gangs wada ah, wax dila, wax dhaca, wax xada, daroogo dhan gada (Drug dealers), naagaha gada/Bootafoori (Pimps), xabsiyadana buuxdhaafiyey, sharciyada laga wadaqaatay, dalka aan kabixi karin, shaqeeysan karin, nolosha kawada dhacay, oo khamri iyo daroogo nuuckasta ahna isku daldala. Nasiibdarro! Marka eey xero-iyo-fandhaal kala dhacaan, baa hooyo kaligeed ah (Single-Mother), oo iyada odeygeedii eridayoo bacdiisii bannaanka udhigtey, laqeeylineeysaa ilmaa iga hallaabey.
Dhibaatooyinka kalee jira waxaa kamid ah, in markii ardeydu-gaar ahaan kuwa madoowga ah, oo dabcan Soomaalidu kujirto-, eey waayaan waalid waxbarashada si dhab ah ugu garab istaaga, ugana warqaba, waqtina galiya, oo ulasocda si taako-taako ah, macallimiin gaar ahna uqabta (Tuition), ardeygaa wuu kudaatey. Soomaaliduna waxeey kudheceen siriqda lasheego in madoowga Mareeykanka (African Americans/Black Americans) loodhigay, oo ahaa in qoysaskooda laburburiyo, oo aabayaasha iyo hooyooyinka lakala diro. Aabayaashana xabsiyada laga wada buuxiyo, si wiilashu uwaayaan, Aabayaal haga (Father figure), kadibna ay uwada saaqidaanoo xabsiyada uga wada dabatagaan Aabayaashood. Ogoow hade shacabka Mareeykanka Boqolkiiba laba iyo toban illaa sadex iyo toban (12%-to 13%) waa madoowga Mareeykanka, hadana dadka Jeelasha (Jails) kabuuxa boqolkiiba sodon iyo shan (35%) waa madoowga Mareeyka. Dhanka kalana boqolkiiba sodon iyo todobo (37%) dadka Xabsiyada (Prison) kabuuxa ee kudhawaad gaaraya labo million iyo bar (2.2 million) waa ragga madoowga ah (U.S. Department of Justice, 2014). Waxaa jirta warbixin sifiican kaaga haqabtireeysa, sida xabsiyada looga buuxiyey Madoowga Mareeykanka, taasoo eey daabaceen: Ururka horumarinta dadka madoow. Afka qalaadna lagu dhoho (National Association for the Advancement of Colored People), taasoo eey ciwaan uga dhigeen CRIMINAL JUSTICE FACT SHEET. Fadlan halkaa kaga bogo.
Waxaad dhanka kalana moodaa, in hooyada lagu dhiiragaliyey in nin eey kadambeeysaba eey kamaaranto, oo dowlada siineeyso waxkastoo ay nin ugaba baahneyd. Bal ufiirso! Waloow qorshaha uu noqonkaro mid danyarta in lagu caawiyo loogu talagalay, hadana waxaad moodaa in hooyadii lagu yiri: Guribaa dowlada kusiineeysaa (Section-8….iwm), magacaada beey kuqoreeysaa (The head of the household), ceyr, kaarka cuntada iyo kan cafimaadkaba weey kuwadasiineeysaa, ninka marka aad isku dhacdaana 911 baad ugu waceysaa, Ilmahiisa hortoodaa ayaana lagu bahdilayaa, oo lagu katiinadeeynayaa, marka aad iska furtana qasab waxaa loogasoo gooynayaa dhaqaalaha caruur-taageerka (Child support) oo kuxiran hadba dhaqaalaha soogala intuu la egyahay, meel ilmaha kuu xanaaneeysana waa lagaa bixinayaa (Day care). Sidaa daraadeed nin aad kadambeeyso, kafasax qaadato, amaba guud ahaan aad ubaahan tahayba majiro. Kadib marka aad iska furtana, oo “Qoyskaada iska burburiso”, xilligaad rabto ayaad xaflado nuuckasta ah (Party animal) aadi kartaa, kana imaankartaa [Xafladaha arooska 3am-illaa 5am ayey qaarkood kayimaadaan!]. Dhanka kalena, ileyn bini’aadam caafimaad qaboo, cunayoo cabayaad tahaye, oo nin waad isaga baahan tahaye, “Qalab” farabadanoo ninba aad uga maaranto waad heleeysaa, meelaha qaarna waxaaba looqeeybiyaa canjirrada galmada (Condoms) iyadoo si dadban loogu dhiiragalinayo, in eey hadeey ubaahato sameeyso galmo xaaraan ah (Zina), sida ladareensiinayana muhiimaduba tahay in ay uur (Pregnancy) iyo cudurrada galmada (STDs & STIs) iska ilaaliso ookaliya. Hadii eey tahay midii Zino aaneey kasuurtoobina, waxeey sameeysan kareeysaa nin qaba, balse taleefanka eey kaballamaan (On-Call Husband), oo ilmaheeda, iyo gurigeeda aaneey dhexkeeneyn, oo xiliga rabitaankeeda iyo kiisa ookaliya kuxiran, oo aan waxkale ku darsankarin, shuqulna kulaheyn, isuna waalikarin, waxna eeysan isugu dhaleyn. Dumar iyaga hore Single-Mothers u ahaana markeey fitnadaa sii dhiiragaliyaan, illeyn mudul gubtey, mudul gubanaya kama naxee, waxbadan baa siiqasmaya.
Marka warkaa duwamarkii aan diinta badan iyo dadnimada laheyn maqleen, qoysaskoodiina wada burburiyeen, Ilmihii bilaa Aabe kuwada dhacday, waxbarasho warkeeda daa’e duurkeey wadagaleen, inta Gangs kuwada biirtey, ee iswada dishey marka lagasoo tago, waxaa maanta xabsiyada kawada buuxda kumanaan-kun. Hadiiba eey kasoo baxaanna, aan laheyn waxmustaqbal iyo nololba ah, habayaraatee!
GABAGABO/GUNAANAD
Dabcan waxbarashada mareeykanka waa qasab. Iskuullada dowladana waa lacag la’aan, waliba quraac bilaash ah (Free) baa ardeyda lawada siiyaa. Dad badanoo fuqaro ah, qaarna ilmo farabadan dhalay, beey uyihiin fursad ay ilmahooda waxbarasho kuhelaan. Sidoo kale weey jiraan waalid ilmahooda tarbiyeyntooda iyo waxbaridooda ku fara’adeeygey, oo ilmahooda maasha Allaah uwadayihiin. Iskuullo Islaami ahna geystey, waloow aad qaali xad dhaaf ah badanaa uyihiin. Waxaa sidoo kale jira dumar Soomaaliyeedoo wanaag badanoo diin iyo dadnimoba leh, kuwaasoo reerahooda heysta dhaqdana, iyo ardey iyagoo bii’adaa qalafsan wax kudhexbaranaya, hadana asturan, dhaqan iyo asluubna aad kadheehaneeyso. Dabcan wixii inoo wanaagsan waa sidii aan rabay, ee waxaan diirada saareeynaahi waa waxa inaga khaldan, si wax inoogu saxmaan, oo wacyigelin iyo baraarug loo abuuro.Wabillaahi Towfiiq.
.
Lasoco qeybaha kale soosocda……
.
Qoraa: C / Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)
Maamule-kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo
Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin ka ahaa.
Al-Madinah International University. Abdulkadirphd@hotmail.com
Minnesota, USA.
_________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________