Sabti: May 14, 2022
Waxaa maanta lagu wada in magaalada Muqdisho ay kulankooda ugu dambeeyay ay ku yeeshaan Guddiga qaban qaabada ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee loogu diyaar garoobayo qababada doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya,w axaana kulankan ka qeyb geli doono Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare, iyadoona la filayo in ay soo saaraan amar lagu adkeeynayo amniga Magaalada Muqdisho.
Qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho.
Kulamo siyaasadeed iyo ololo xoogan ayaa ka socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay wadaan xubnaha musharixiinta iyo xildhibaanada labada aqal ee BFS.
Beri oo ku beegan 15 may ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________