867 Views

Murashixiintii ugu dambeeyay oo maanta khudbado ka horjeedinaya baarlamaanka

Murashixiintii ugu dambeeyay oo maanta khudbado ka horjeedinaya baarlamaanka
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 202

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah lagu wadaa inay ka bilaabato xarunta Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho hadal jeedinta murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, xili ay maanta ku egtahay sida ay shaaciyeen Guddiga doorashada.

Sida qorshuhu yahay, waxaa kalfadhiga Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya hortagaya maanta murashixiin gaaraya ku dhawaad 20 oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore iyo kan Muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha 10-aad Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa sheegay inay maanta halkooda kasii wadi doonaan Munaasabadda hadal jeedinta murashixiinta Madaxweynaha oo ay kusoo bandhigayaan waxqabadkooda ku aadan markii ay ku guuleystaan xilka Madaxweynaha.

Shalay hoolka Teendhada Afisyooni oo ay ku sugnaayeen Xildhibaanada labada gole, waxaa hadal jeedin ka sameeyay murashixiin Madaxweyne oo gaaraya 19 kuwaas oo min 15 daqiiqo jeediyay khudbad ay kaga hadlayaan waxqabadkooda la xiriira marka ay ku guuleystaan hoggaanka dalka.

Dadka Soomaaliyeed ayaa Si weyn indhaha ugu wada hayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya taas oo lagu wado inay dhacdo 15-ka bishaan May oo ay naga xigaan maalmo qura, waxaase laga muujinayaa doorashadaan ifafaalo wanaagsan, maadama ay u muuqato mid ka duwan doorashooyinkii hore dalka ugu dhacay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post