465 Views

Ukraine iyo Ruushka oo sheegay in la soo afjaray daad gureynta dadkii lagu go’doomiyay warshadda birta

Ukraine iyo Ruushka oo sheegay in la soo afjaray daad gureynta dadkii lagu go’doomiyay warshadda birta
____________________________________________________________________________


Axad: May 8, 2022

Ukraine iyo Ruushka ayaa sheegay in la soo afjaray daad gureynta dadka rayidka ah ee lagu go’doomiyay warshadda birta farsameysa ee Azovstal ee magaalada Mariupol.

Ukraine ayaa sheegtay in dhammaan dadka da’da ah, haweenka iyo carruurta la geeyay meel ammaan ah – ka dib markii ay toddobaadyo ku xayirnaayeen halkaasi oo duqeyma ku wadeen xoogagga Ruushka.

Dhanka kale, Agaasimaha CIA-da William Burns, ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu u muuqdo nin ay ka go’an inuu horay u sii wado dagaalka uu kula jiro Ukraine, inkastoo dib u gurasho uu ka sameeyay goobaha qaar ee uu gulufka ka waday.

Agaasime Burns waxa uu sheegay in uu u malaynayo in hogaamiyaha Ruushku uu aaminsan yahay in aanu awoodin in uu guul-darraysto, waxana uu is tusay in “duulaan labaad oo ballaaran” ay u sahlayso in uu gaaro hadafkii uu ka lahaa Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post