522 Views

Wasiir Oomaar oo ka hadlay shakhsiyada Farmaajo, weerarna ku qaaday Axmed Madoobe

Wasiir Oomaar oo ka hadlay shakhsiyada Farmaajo, weerarna ku qaaday  Axmed Madoobe
____________________________________________________________________________


Talaado: March 29, 2022

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa bixiyey wareysi uu kaga hadlay seddax dhinac oo kala ah, arrimaha Jubbaland, taageerada uu u hayo Farmaajo iyo shaqadii wasaaradda ka qabtay intii uu hayey xilka.

Ugu horeyn Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shaqo baaxad leh uu ka soo qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, taas oo ay ugu weyneed soo wareejintii maamulka hawada Soomaaliya oo Nairobi laga maamuli jiray, ilaa waayihii ay burburtay dowladii dhexe.

Sidoo kale wareysigaan oo Wasiir Oomaar uu siiyey TV-ga Universal wuxuu aad ugu dheeraaday ka hadalka arrimaha Jubbaland, isagoo sheegay in maamulkaas oo wajahayo dib u dhac weyn, wuxuuna aad u eedeeyey Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo ka sheekeeyey sidii uu uga fashilmay qorshihii uu doonayey inuu madaxweyne kaga noqdo Jubbaland.

Oomaar oo la weydiiyey inuu ka tanaasulay damiciisii hoggaanka Jabbaland, wuxuu cadeeyey in weli damacaasi uu ku jiro, isagoo sheegay in dadaal badan ay ku bixinayaan sidii maamulkaas looga saari lahaa gacanta Axmed Madoobe.

Mar uu soo hadal qaaday shakhsiyadda Farmaajo wuxuu ku tilmaamay nin aad u wanaagsan oo hadii uu cod leeyahay uu maanta dib u dooran lahaa, isagoo cadeeyey in jaceylka iyo taageerada uu Farmaajo u hayo uu Axmed Madoobe ku kalifay.

Oomaar ayaa qiray intii Farmaajo xukunka joogay inay dalka ka dhaceen gabood fallo waaweyn, balse wuxuu ku andacooday in biniโ€™aadamka ay wax ka qaldami karaan, laakiin inta uu Farmaajo ka bartay uu yahay nin leh shakhsiyad hoggaamiye oo ku haboon in dib loo doorto, sida uu hafdalkiisa u dhigay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post