Arbaco: March 2, 2022
Bakhaaro ay ku jireen hub kala duwan oo ay lahayeen maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaalamo Yeman, ayaa laga maqlay qaraxyowaaweeyn, halkaasi muddooyinkii danbe malayshiyaadkan ay u rogeen xabsiyo iyo xarun lagu xero dadka ay qafaashaan ee ayaga kasoo horjeeda.
Shabakadda xuquuqul insaanka Yeman oo soo xiganeysa ilo xog ogaal ah ayaa sheegtay in qaraxyadaasi ay geeysteen dhimasho iyo dhaawacyo aan la tira koobin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in halkan ay aheed goobta ugu weeyn ee maleeshiyaadkan ay ku keedsan jireen Hubka kala duwan ee ay ku howlgalaan kooxdan, sidokale qeybo kamid ah magaalada Al-saalax, aya kooxdan u aheed Xabsiyo ay ku xeraan dadka ay Af-duubtaan ee Feker ahaan ka soo horjeeda.
.Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________