Axad: January 23, 2022
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cumar ayaa soo dhoweeyay go’aan maanta ay gaareen golaha wasiiradda Soomaaliya, kaas oo looga noqday go’aan 2017-kii ay gaareen golihii wasiiradda ee Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.
Mustafe ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in golaha ay ka xunyihiin in ‘gacan cadaw la galiyay Cabdikariim Qalbi Dhagax.
Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in go’aankii golaha wasiiradda 2017-kii uu ahaa mid argagax galiyay shacabka deegaanka.
Sidoo kale Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa BBC-dau sheegay in ay soo dhoweeynayaan go’aanka Golaha Wasiiradda.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________