522 Views

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Dalka Mali oo geeriyooday

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Dalka Mali oo geeriyooday
____________________________________________________________________________


Axad: January 16, 2022

Madaxweynihii hore ee dalka Mali, Ibrahim Boubacar Keïta, ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisu ahayd 76 jir sida ay sheegeen qoyskiisa iyo saaxiibbadii.

Sanadkii la soo dhaafayayaa waxaa haleelay xanuunka faaligga hase yeeshee hadda lama xaqiijin xanuunka dhabta ah ee uu u geeriyooday. Maanta oo Axad ah ayuu ku dhintay gurigiisa oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Bamako, sida ay wakaaladda wararka ee AFP u sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Mr Keïta ayaa dalka Mali hoggaaminayay muddo toddobo sano ah oo ku eked sanadkii 2020-kii wakhtigaas oo xilka loogu tuuray afgambi kadib markii dalkaasi ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda.

Dhibaatooyinka dhaqaale iyo muran dhanka doorashooyinka ah ayaana dab ku sii shiday dibadbaxyadii looga soo horjeeday xukunkiisa.

Toddobaadyo kadib markii xilka laga tuuray isla markaana uu ku dhacay xanuunka faaligga ayaa loo qaaday dalka Imaaraadka Carabta halkaa oo lagu soo daweyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post