903 Views

Lamaane u dabaal degay sanad guurada 81-aad ee aroskooda ayaa markii ay is guursadeen

Lamaane u dabaal degay sanad guurada 81-aad ee aroskooda ayaa markii ay is guursadeen
____________________________________________________________________________

Sabti: January 15, 2022

 

Lamaane u dabaal degay sanad guurada 81-aad ee aroskooda ayaa markii ay is guursanayeen loo sheegay “in aysan isku waari doonin”, sida ay ku warrantay gabadhooda.

Ron Bond oo ay da’diisu tahay 102 sano iyo xaaskiisa Joyce Bond oo 100 jir ah, waxa ay ku nool yihiin xaafadda Shenley ee magaalada Milton Keynes oo ka tirsan England, waxaana la aaminsan yahay in ay yihiin lamaanaha guurkooda ugu waqtiga dheer yahay ee ku sugan UK.

Lamaanahan ayaa 4-tii bishii Janaayo ee sanadkii 1941-kii isku guursaday deegaanka Newport Pagnell, oo kamid ah magaalada Buckinghamshire.

Gabadhooda Eileen, ayaa tiri, waxaa jirey dad ku hadaaqayey markii hooyadeey iyo aabaheey is guursanayeen, in aaney muddo dheer sii wada joogi doonin. Sidii ay dadkaasi wax u odoroseen, soo lama dhihi karo, wax sax ah ma aheyn?

Sanadkii lasoo dhaafay, lamaanahan ayaa hambalyo qoraal ah ka helay boqoradda, markii uu gaarey khabarkooda la xiriira dabaal degga sanad guuradooda.

Ron, oo ka yimid Blaina, oo katirsan deegaanka Gwent, iyo Joyce, oo ku dhalatey Bow Brickhill, oo katirsan deegaanka Milton Keynes, ayaa ku kulmey Bletchley, iyagoo isku guursadey xafiiska diiwaan gelinta guurka ee Newport Pagnell, markaasoo barafka dhulka ku da’a uu gaari jiray saddex inches oo dhulka ka kacsan.

“Xiligii ay is guursadeen, waxaa jirey in lamaanayaasha safaf dhaadheer la galiyey dhammaantood si looggu diro dibadda, oo ay gacan uga geystaan dagaalka markaasi jirey,” ayay tiri Mrs Bond.

Lamaanuhu waxey isku raaceen iney jaceyl isku qaadeen is aragii koowaadba, waxeyna rumeysan yihiin iney yihiin dad isku qalma oo wali isu hamuun qaba.

“Marka la eego xiriirka naga dhaxeeya, ma jirto qof madax ah, iyo qof majo ah, dareenka iyo kalgacalada naga dhaxeysaa waa mid ka weyn kala soocid iyo kala sareyn,” ayey tiri Mrs Bond.

“Waligeen ma fileyn in wada joogisteenu gaari doonto 81 sano, waan oganahay inaan aad u nasiib badan nahay maadaama aan gaarney yoolkaan cajiibka ah, waana dareen aad u wanaagsan,” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Dhanka kale, Mr Bond, ayaa yiri: “Mararka qaar noloshu way adag tahay balse si wada jir ah ayaan xal u raadinnaa. Waan iska war qabnaa, sidoo kale.”

Lammaanahan ayaa isu dhaley labo carruur ah, oo lagu kala magacaabo Eileen iyo Bill, caruurtaasi ayaa dhaley iyana saddex caruur ah, iyadoo caruurtaasina ay sii dhaleen lix kale. Marka haatan, reer Bond waxey marayaan faracii afraad.

Mr Bond, waxa uu kasoo shaqeeyey garaash ay leedahay shirkadda Shell, oo ku yaalla Bletchley, kahor inta aanu hawlgab noqonin, halka Mrs Bond ay kasoo shaqeysay shirkadda Woolworths ee kutaalla Queensway. Lamaanahan ayaa u wareegay tuulada hawlgabka sanadkii 2013-kii.

Gabadhoodu waxey sheegtay in waalidkeed ay ahaayeen lammaane runtii is dhiirigeliya, mar waliba waxey isku muujin jireen soo dhoweyn iyo jaceyl diirran oo ay isku qabaan labadooduba.

“Aabahey aad buu ugu dadaali jirey in reerka uu masruufo, halka hooyadeyna ay aad uga shaqeyn jirtey ilaalinta iyo nadaafadda guriga”

“Waxa kaliya oo aad ku ogaan karto jacaylka ka dhaxeeya iyo sida ay isu daryeelaan waa inaad waqti la qaadataa iyaga, xitaa iyagoo is qabey 81 sano kadib”, ayey tiri gabadha lamaanahan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post