Guddoomiyaha Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa iska casilay xilka guddoomiyenimada.
Saalax wuxuu warqaddiisa iscasillaadda uu ku banneynayo xilka guddoomiyenimada guddiga uu u gudbiyey xubnaha guddiga iyo guddoomiyaha baarlamaanka.
Wuxuuna Saalax sheegay inuu xilka uu soo hayey muddo 2 sano iyo bar ah uu isaga casilay duruufo ka hor yimid dartood sidaana uu ku go’aansaday inuu booska banneeyo.
Wuxuuna sheegay shaqada markeedi horaba iney hayeen xubnaha guddiga iyo shaqaalaha balse isagu howshiisa ay ku koobneyd oo keli ah hoggaaminta, isaga oo ballan qaaday marweliba inuu diyaar u yahay inuu talo iyo tabarba uu la garab istaago dhammeystirka hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.
Saalax ayaa si weyn loogu ammaanay inta uu xilka guddoomiyenimada guddiga hayey doorashadi tijaabada ee qof iyo codka ahayd ee laga hirgeliyey degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu ku faah faahiyay is casilaadiisa Guddoomiyihii Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland .
Saaka waxaan ugudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah. Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruuro iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska.
Aniga oo ku kalsoon aqoonta, khibradda, kartida iyo iskuduubnaanta Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, waxaan ALLE idankiis hubaa in shaqada qaybta harsan ay si habsami leh ku dhamayndoonaan. Shaqada inteeda badan waxaa awalba hayay xubnaha kale iyo shaqaalaha, Guddoon ahaan kaalintayadu waxay ku koobnayn hogaamin, matalaad iyo hagis guud.
Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo gacanqabad iyo taageero siisay Hay’adda Doorashooyinka si guud anigana si gaar ah muddadii aan hogaaminayay Hay’adda. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelin Madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiinta dawladda, ururada siyaasadda, ururada bulshada, dadweynaha reer Puntland iyo saaxiibada beesha caalamka.
Ugu dambayn waxaan u mahadcelinayaa xubnaha sare iyo shaqaalaha Guddiga oo aan soo wada qabanay shaqo adag duruufo adagna aan soo wada marnay.
Bulshada reer Puntland oo aan aragnay sida ay ugu baahiqabaan nidaam dawladnimo oo ku yimaada doorasho dadweyne oo xalaal ah, waxaan ku kalsoonahay in dawlad iyo dadweynaba aan hayaanka iyo tubta cagta la saaray marna aan laga noqondoonin.
Muddadii aan hogaaminayay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland wixii wanaagsanaa ee na qabsoomay mahaddeeda ALLE ayaa iska leh, ka sokow xubnihii iyo shaqaalihii Guddiga ee muujiyay hawlkarnimo, daacadnimo iyo iskuduubni. Wixii farsamo ahaan naga qaldamay muddadaas masuuliyaddeeda aniga ayaa qaadaya cudurdaar iyo raaligelina kasiinaya dadweynaha reer Puntland.
Aniga oo muwaadin ah waxaan marwalba diyaar u ahaandoonaa inaan talo iyo tabarba la garab istaago dhamaystirka hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.
Guul ayaan idiin wada rajayn.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________