Isniin: December 27, 2021
Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa facebook-ga waxa uu ku sheegay in ay soo qab qabanayaan waxa uu ku sheeay Saraakiishii ka qeyb qaadatay afganbi fashilmay maanta.
Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay in la difaaco dimiqoraadiyada iyo Dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay hayaan Magacyada qaarka mid ah saraakiishii ka Qeyb qaadatay iyo kuwii diiday in ay ka qeyb qaataan afganbigii maanta.
Hadalka wasiirka amniga ayaa ku soo aadayo, iyadoo weli xiisad kacsanaan ah ay u dhexeyo madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Rooble.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________