3348 Views

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inay baarayso falkii AMISOM ay ku dishay dad rayid ah

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inay baarayso falkii AMISOM ay ku dishay dad rayid ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 19, 2016: Mudane Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dadkii rayidka ahaa oo ay AMISOM ku dishay deegaanka Buula-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

W/ku xigeenka, Maxamed Cumar Carte oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in saraakiisha AMISOM ay kala hadleen sida uu falkaasi ku dhacay, isla markaana Xukuumadda ay ka xuntahay falkaasi, isagoo xusay inay iminka socoto baaritanno lagu ogaanayo, waxaana uu intaa ku daray in AMISOM ay dhankooda qirsanyihiin falka ay geysteen oo ay raali gelin ka bixiyeen oo cudur-daar.

“Waxaan saraakiisha AMISOM kala hadalnay falkii ay ciidamadooda ka geysteen buulo Mareer, runtii arrinkaasi baaritaanno ayaa ka socda, Xukuumadda waa ay ka xuntahay falkaasi dadka rayidka ah lagu dilay, waxaana uu ehelada uga tacsiyadeeyay afarta qof ee ay ciidanka AMISOM dishay”ayuuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa hay’adaha ammaanka ku amray inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falkii dhawaan kooxo hubeysan ay ku weerareen labo gabdhood oo walaalo ah oo mid ka mid ah ay weerarka u geeriyootay, halka mida kale ay dhaawac ka soo gaartay iyo haweeney kale oo iyana muqdisho lagu dilay, si loola tiigsado cadaaladda iyo waxa ay mudaystaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment