khamiis: November 18, 2021
wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay shir wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada.
Shirkaan ayaa waxcaa goob jog ka ahaa qaar ka mid ah . Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug.
Sidoo kale Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta Hay’adaha Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Galmudug,halka warbixinno looga dhageystay ku saabsan doorashooyinka, xaaladda Amniga Galmudug , iyo wax ka qabashada abaaraha ka jira Galmudug.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________