Axad: October 31, 2021
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sida la xaqiijiyay hoggaanka Ahlusunna oo ku sugan degaanka Bohol wuxu ka dalbaday in ay sida ugu dhakhsaha badan hubka u soo wareejiyaan.
Madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo ka wada magaalada Guriceel ayaa la sheegay in uu Odayaasha dhaqanka farriin ugu dhiibay hoggaanka Ahlusunna si ay isu soo dhiibaan.
Axmed Qoor Qoor ayaa Odayaasha farriinta uu Odayaasha u faray Ahlusunna wuxu kaga dalbaday in ay hubka ku wareejiyaan ciidamada dowladda Federaalka iyo Galmudug islamarkaana isa soo dhiibaan.
Wararku waxay sheegayaan in hoggaanka Ahlusunna ka dhega-adaygay dalabka Qoor Qoor ee ku saabsan in ay hubka dowladda ku wareejiyaan si looga baaqsado dagaal kale.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________