3627 Views

Wasiirka Maaliyada ee Soomaaliya oo ka qaybgalay Shirki Wasiireedki Jaamacadda Carabta

Wasiirka Maaliyada ee Soomaaliya oo ka qaybgalay Shirki Wasiireedki Jaamacadda Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 8, 2016: Mudane Maxamed Aden Ibrahim Farkeeti Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafti u hogaaminayo ayaa dalka Baxrayn uga qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee Wasiiradda Maaliyadda ee Jaacadda Carabta, Shirkan ayaa waxaa soo agaasimay  shanta haya’adood ee dhaqaallaha ee hoostagta Jaamacadda Carabta. Waxaana isugu yimaada dhammaan Wasiiradda Maaliyadda & Gudoomiyeyaasha Bangiyada Dhaxe ee Wadamada Carabta.

Waxyaabaha shirkaan diiradda lagu saaray sanadkaan waxaa ka mid ah, Kobcinta maalgashiga wadamada ku bohoobay Jaamacada Carabta. Horumarinta Beeraha. Sidii loo heli lahaa suuq Carbeed oo midaysan iyo Dar-dar galinta dhaqaalaha waddamada Carabta

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa shirkaan hor dhigay warbixin ka hadlaysa guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya meesha uu marayo, caqabadaha jira iyo sida ugu habboon oo looga bixi karo. Sidoo kale Wasiirka ayaa soo jeediyey talooyin ku wajahan dowrka wadamada Carabta ee ku aaddan sida Soomaaliya u gacan siin lahaayeen dib u soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Inta kulanku socday ayaa Wasiirka Maaliyada Soomaaliya kulamo gooni-gooni  ah la yeeshey dhamaan hey’adaha Maaliyadda Carabta ee ka soo qayb galay shirkaan iyo Wasiiradda Maaliyadda boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Kuwait waxayna ka wada hadleen xiriirka dhaqaalle ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa maalgashi dhax mara labada wadan. Sidoo kale Wasiirku wuxuu la kulmay boqorka dalka Bahrain Amiir Hamdi Binu Ciisaa Aala khaliifa, wuxuuna siiyey warbixin ku saabsan Soomaaliya ayaga oo ka wada hadlay xiriirki dhaqaalle ee labada wadan u dhaxeeyo.

Farkeetti ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay gudomiyaha sanduuqa Sacuudiga iyo kan lacagta carabta, waxayna aad ooga wada hadleen sidii Soomaaliya looga kaalmeen lahaa dhanka dhaqaallaha, Maalgashiga iyo Sidii looga cafin lahaa deynta ku raagtay.

Ugu danbeentii shirka oo socday mudo labo maalin ah ayaa gaba gabadii kulanka waxaa aad loogu soo dhaweeyey horumarka ay dowladda Soomaaliya ay ka samaysay  dhanka maamul wanaaga maaliyadda, iyo isla xisaabtanka, taas oo dhiiri galin karta in dalku helo kaalmooyin wax ku ool ah oo wadanka garab u noqoto.

Baxrayn

12968548_1238255746202603_1411016621_n (1)

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment