Muqdisho, 3 September 2015 – Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo wada socda ayaa manta la maleeynayaa in ay gaaran degmada Ceelbur, halkaas oo ay doonayaan in ay u kuur galaan xaalka ay ku suganyihii dadka deegaanka.
Ceelbuur ayaa aya ahayd meel go’doon ku jirta in muda ah oo dadku ay dhibaatooyin ku qabaan.
Amaanka degmada ayaa la adkeeyay si nabadgelyada wafdiga loo ilaaliyo. Ceelbuur ayaa noqotay meel cidla ah oo laga qaxay. Waxaa inta dheer in degmada ay biyo la’aan ka jirto oo ceelki ay dadku biyaha ka dhaansan-jireen, mar hore laga furtay qalabi iyo Matoorki biya soo saarayay.
Wafdigaan ayaa la kulmi doono saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowlada eek u sugan magaalada Ceebuur.
____________________
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________