Arbaco: October 6, 2021
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare ka dhashay oo xalay saq-dhexe ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Qarax, uu ahaa mid lagu aasay wadada dhinaceeda, waxaana lala eegtay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, xilli ay kasoo laabteen munaasabad lagu xusayey aas-aaska maamulkaasi.
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay xildhibaanada kala ah Maxmed Cabdi Cali iyo Cabdiraxmaan Cabdi Iidow, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar.
Xildhibaan Cumar Soomane oo ka tirsan golaha wakiilada HirShabelle ayaa sheegay in Xildhibanada dhaawacooda uu aad u wanaagsan yahay waxa uuna alle uga baryay caafimaad.
Dhanka kale laamaha ammaanka ayaa saaka sameeyey howl-gallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________