Arbaco: October 6, 2021
Magaalada Laascaanood ayaa laga soo sheegayaa inaysan saacadihii la soo dhaafay ka jirin dhaqdhaqaaq lagu qabqabanayo dad hor leh, ayada oo saddexdii maalmood ee tegay halkaas laga masaafuriyey boqolaal qof
Shacabka Laascaanood ayaa aad uga carooday arintaas, ayaga oo sheegay in dadka lagu sameeyay wax ka dhan ah diinta islaamka, waxayna intooda badan isku raaceen in dadka hadii la saarayo loo qabto waqti, laguna wargaliyo in ay magaalada ka baxaan.
Sidoo kale marka laga reebo dad kooban inta badan shacabka magaalada Laascaanood ayaa aad uga soo hor jeeda arintaan.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________