Sabti: September 25, 2021
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirkii Amniga Gudaha ayaa looga hadlay Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgooska Ceelgaabta ee muqdisho.
Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraalkiisa ugu horreyn si adag ugu Cambaareeyay falkii argagixisadu maanta dad shacab ah kula beegsadeen degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
“Waxaan Cambaareynayaa Falkii Waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay muqdisho, kaas oo ay argagixisadu ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sidoo kale qoysaskooda iyo Umadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay shacabkii ku geeryooday weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee Muqdisho.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________