Sabti: September 25, 2021
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidanka PMPF ee Puntland ay saacadihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso ka sameeyay howlgalo ay kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.
War qoraal ah oo ka soo baxay PMPF ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas qorshaysan lagu bar-tilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish inkastoo aan tiradooda la xusin.
sidoo kale waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan ee lagu beegsanayo xubnaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan deegaanada Puntland.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________