Talaado: September 14, 2021
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dil xalay Nin Soomaali ah uu ugu geestay laba gabar oo Soomaali ah xaafadda Favoriten ee magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria.
Wararka ayaa sheegaya in Booliska xalay lagu soo war galiyay arintaas ayna gaareen goobta falka ka dhacay, waxayna halkaas ugu tageen meydka laba gabdhood oo Soomaali ah oo da’dooda lagu kala sheegay 35 jir iyo 37 jir.
Sidoo kale Mid ka mid ah gabdhaha ayaa lagu magacaabay Shurki Axmed Abtidoon, halka gabadha kalena lagu magacaabo Faadumo Maxamed Xirsi. Shukri ayaa la dhalatay xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon, oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya. Waxaan Ciidamada amaanka isku dhiibay shaqsigii dilka geestay
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________