Isniin: September 13, 2021
Musharaxiinta u tartamaysa kuraasta Aqalka Sare ee doorashadoodu tahay Hirshabelle ayaa maanta bilaabaya in ay qudbadahooda ka hor jeediyaan xildhibaanada Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabelle.
Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa isu diyaarinaya in maalmaha soo socda uu doorto xubnaha ku metalaya aqalka sare ee Soomaaliya.
Waxaa hadda la diiwaangeliyay qaar kamid ah musharraxiinta u tartamaya kuraasta sideeda ah ee yaalla Jowhar.
Maamulka Hirshabelle ayaa lagu ammaanay in kuraasta aanu u xirin siyaasiyiin gaar ah, doorashada ka dhici doonta ay u muuqato mid si weyn loogu tartami doono.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlaawe) oo dhawaan shaaciyay liiska musharaxiinta Aqalka Sare Hirshabele ayaa waxa ay ka koobnaayeen 33 musharax.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________