Muqdisho | September 4, 2021:-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-711/092021 uu kaga Aqbalay Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil Cumar, kuna Magacaabay bedelkiisa.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: AQBALAAD IS-CASILAAD
Ku: Baashe Cawil Cumar
Mudane,
Waxa i soo gaadhay qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay Qaranka.
UJEEDDO: MAGACAABID
MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland
Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________