Arbaco: August 18, 2021
Ka bixitaankii ciidamada caalamiga ah, Taliban waxay isku fidisay dalka oo dhan, waxayna qabsadeen ku dhawaad magaalo kasta. Haddaba muxuu Mareykanku u oggolaaday inuu baxo 20 sano oo dagaal ah kadib?
Sanadkii 2001, Nato ayaa ku qasabtay Taliban inay ka baxaan Kabul kadib weeraradii 9/11 ee New York iyo Washington.
Hadana ku dhawaad labaatan sano ka dib, hoggaamiyeyaasha kooxda xagjirka ah ee Islaamiyiinta ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Afghanistan, iyaga oo si farxad leh sawirro iskaga soo qaaday madaxtooyada iyadoo ku dhawaad wadanka oo dhan ay gacanta ku hayaan.
Waxa ugu yaab badan ayaa ah inaysan ahayn guuldarro milateri oo masiibo ku ah Mareykanka iyo xulafadiisa Nato oo horseeday dib u soo noqoshadaas laakiin heshiis nabadeed oo si taxaddar leh looga wadahadlay ayaa keenay
Waxaa keenay heshiiska oo uu saxiixay hal madaxweyne oo uu hirgaliyay kii isaga beddelay.
Muxuu Maraykanku u aqbalay inuu la heshiiyo Taliban?
Maalintii ka dambaysay markii ay burbureen daarihii mataanaha ayaa madaxweynihii Mareykanka George W Bush ballanqaaday “dagaalkan wuxuu qaadan doonaa waqti iyo laakiin dulqaata waan guulaysan doonnaa”. Xaqiiqdii Mareykanku weligii kuma dhowaan inuu guul militari ka gaaro Taliban.
In kasta oo kooxda oo ay ku abtirsadaan xagjiriinta Al-Qaacida ee mas’uul ka ahaa weeraradii 9/11 haddana si degdeg ah loogaga saaray magaalooyin awoodda Nato, waxay ku qaadatay dhowr sano in ay disb isu abaabulaan 2004 waxay bilawday kacdoon ka dhan ah ciidamada reer galbeedka iyo dowladda cusub ee Afghanistan.
Iyada oo laga jawaabayo tirada sii kordhaysa ee weerarada ayaa madaxweynahii cusub ee Mareykanka, Barack Obama, wuxuu bilaabay sanadkii 2009 inuu aad u kordhiyay tirada ciidamada Nato ee dalka oo la gaadhsiiyey 140,000.
Tani waxay gacan ka geysatay in Taliban mar kale dib loo riixo laakiin saameyn yar oo aan mudadeedu dheerayn ayaya noqotay.
Iyada oo iska horimaadku noqday dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka oo ay ku baxday lacag lagu qiyaasay 978 bilyan oo doolar iyo in ka badan 2,300 qof.
In kasta oo tirada ciidamada Mareykanka ee la dilo sanadkiiba ay aad u yaraayeen kadib markii ay si rasmi ah ugu dhaqaaqeen tababarka iyo kaalmada taageerada 2014, Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay 2019 in “in ka badan 45,000 oo ka tirsan ciidamada nabadgelyada Afghanistan ay ku nafwaayeen” shantii sannadood ee hore.
Isagoo wajahaya xaaladdan ayaa ninkii xilka kala wareegay Obama, Donald Trump, wuxuu bilaabay wadaxaajood sii xoogeysanaya oo uu Taliban la galay waxaanu saxeexay heshiis bishii Febraayo 2020.
Waxay ahayd wax uu ku farxay inuu ka hadlo markii uu ku jiray diyaargarowga doorashada madaxtinimada ee sannadkaas.
” Waan kala soo baxaynaa Afghanistan ciidamadayada oo waa inaad taa fahantaa” ayuu ka sheegay Axios news. “Waxaan halkaas joognay 19 sano. Waan ka soo bixi doonnaa.”
Heshiisku muxuu dhigayaa?
Mareykanka ayaa ogolaaday in ciidamadiisa ku hadhay Afghanistan laga soo saaro waxayna Talibanku sheegeen inaysan u oggolaan doonin Al-Qaacida ama koox kale oo xagjir ah inay ka hawlgalaan meelaha ay maamulaan.
Waxa kale oo ay sheegtay in 5,000 oo maxaabiis Taliban ah lagu beddeli doono 1,000 maxaabiis ah oo ka tirsan ciidamada Afghanistan iyo in cunaqabataynta laga qaado kooxda xagjirka ah ee Islaamiyiinta ah.
Heshiiska wuxuu toos u dhex maray Mareykanka iyo Taliban iyadoo qorshuhu ahaa in Taliban ay wadahadal la gasho dowladda Afghanistan ka dib si loo go’aamiyo qaabka iyo cidda xukumi doonta dalka mustaqbalka.
Ciidamada nabadgelyada Afghanistan – oo lagu tababaray lacag dhan 88.32 bilyan oo doolar askart tiradooda lagu sheegay ka badan 300,000 oo askari, ayaa la isla qaatay in ay ahaan doonaan kuwo ilaaliya xaaladda inta wadahadaladu socdaan.
Madaxweyne Trump oo ku tilmaamay “heshiis cajiib ah” sida uu sheegay la taliyihiisii nabadgelyada qaranka ee xilligaas John Bolton wuxuu si cad u sheegay in qorshahaas ahaa “fursad aad u wanaagsan”.
Mareykanka ayaa markii ugu horreysay bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo, Trump ayaa wadahadallo fool-ka-fool ah oo u dhexeeya Taliban iyo dowladda Afghanistan bilaabay bishii Sebtember.
In kasta oo aanu jirin horumar haddana kuwa ka soo horjeeda Taliban ayaa markaa lahaa waa in heshiiskaasni noqdaa mid aan horseedin musiibo.
Bishii Juulaay ayaa afhayeen u hadlay Taliban sheegay “in kasta oo aan ku leenahay goobta dagaalka awood haddana way naga go’antahay in aanu wadahadallada wixii ka soo baxa meel marinaa”.
Madaxweynaha hadda ee Mareykanka Joe Biden – oo in kasta oo uu ku khilaafsanaa Trump siyaasad kasta oo kale – haddana wuxuu sii waday inuu fuliyo heshiiskii isaga ka horreeyay,
Mareykanka ayaa markii ugu horreysay bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo, Trump ayaa wadahadallo fool-ka-fool ah oo u dhexeeya Taliban iyo dowladda Afghanistan bilaabay bishii Sebtember.
In kasta oo aanu jirin horumar haddana kuwa ka soo horjeeda Taliban ayaa markaa lahaa waa in heshiiskaasni noqdaa mid aan horseedin musiibo.
Bishii Juulaay ayaa afhayeen u hadlay Taliban sheegay “in kasta oo aan ku leenahay goobta dagaalka awood haddana way naga go’antahay in aanu wadahadallada wixii ka soo baxa meel marinaa”.
Madaxweynaha hadda ee Mareykanka Joe Biden – oo in kasta oo uu ku khilaafsanaa Trump siyaasad kasta oo kale – haddana wuxuu sii waday inuu fuliyo heshiiskii isaga ka horreeyay,
BBC
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________