Muqdisho, 2 September 2015 – Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose, ayaa sheegay in AMISOM ciidan badan looga dilay weerarki ka dhacay degmada Janaale, taas oo AMISOM ay si kale wax u sheegtay.
“Shaalay waberigi werarki lagu qaaday saldhiga AMISOM ee Janaale, askar faraban ayaa loo laayay” ayuu yiri Gudoomiyaha oo waramaayay idaacada ku hadasha afka Alshabaab ee Alfurqaan.
Asbaabta loo qabsaday Janaale ayuu gudoomiyaha ku micneeyay in ay tahay ayada oo la dayacay oo aysan joogi Boliis iyo Nabad Sugid oo Dowlada ka socodo, marka in la qabsado layaab ma laha.
“ Janaale 3 sano ka hor ayaa la xureeyay ila maantada la joogo ma laha Boolis iyo ciidan Nabad Sugid ah”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Hadalka Gudoomiyaha ayaa ku soo begmay ayadoo AMISOM sheegtay in qasaaraha Janaale ka soo gaaray uu aad u yaraa.
____________________
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________