Madaxa Guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Saadaq Cumar iyo wafdi u hoggaaminaayo oo ka socda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay Wasiirka Tamarta ee dowlada Turkiga Mudane Alparslan Bayraktar.
Guddiga ayaa wasiirka ka dhagaystay habsami u socodka mashruuca shidaal soo saarida ee dhawaan ka bilowday wadanka.
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha JFS u fadhiya Wadanka Türkiye Mudane Fatxudiin Cali iyo madaxa guddiga Saaxibtinamada Baarlamaanka Turkiga Mudane Abdirahim Firat.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________