51 Views

Muranka ka dhashay hambalyada doorashada Somaliland iyo sida ay u arkaan dadka ka faalooda diblumaasiyadda

Muranka ka dhashay hambalyada doorashada Somaliland iyo sida ay u arkaan dadka ka faalooda diblumaasiyadda
____________________________________________________________________________

Wasiirak Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan ) ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu maalintii shalay ahayd jeediyay Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi kaas oo ku aadanaa hadaladii ay saxaafadda u jeediyeen qaar ka mid ah safiirradda dalalka shisheeye ee Somaliland ugu hambalyeeyay dooaradii dhawaan ka dhacday,

Ka dib doorashooyiinka isku sidkanaa ee madaxtinimada iyo tan ururada ee ka dhacay Somaliland 13 kii November, safiirra ka socday caalamka oo goob joog ka ahaa doorashada ayaa ugu hambalyeeyay Somaliland doorashada qofka iyo codka ah ee sida nabadda ah ee ka qabsoontay, hasa yeeshee hambalyada safiirrada ayaa waxa jawaab carro leh ka bixiyay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo dhaliilay qaabka iyo siiqada ay safaaradaha qaar u hambalyeeyeen.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah safiiradda goobjoogga ka ahaa doorashada ay qariyeen waddanka ay wakiilka uga yihiin dalkooda.

“ Waxaa nasiib darro ah in Safiirro ay hadal halkaas ka jeediyeen , safiirku uu qarinayo dalka uu safiirka ka yahay markii, isago leh dowlad hebel safirkeedii baan ahay laakin aanu sheegin dalka uu uu ka yahay safirka”, ayuu yiri isaga oo munaasabad ka hadlayay.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in safiirada qaar ay ugu yeereen Somaliland in ay tahay “dal madaxbanaan”, taas oo uu muujiyay in ay ka xuntahay dowladda Soomaaliya.

“Waan u yeernay safiirka Deenishka markii uu arintaasi ku dhawaaqay , waana uu noo ballansanyahay “, ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya.

Ma jiro wax hadal ah oo arrintaan la xiriira oo ilaa haatan ka soo yeeray safaaradda Denmarka ay ku leedahay Soomaaliya.

Dhanka kale waxa uu Fiqi walaac ka muujiyay hadalada la soo saari doono marka ay soo baxdo natiijada doorashada kadib.

Wasiirak Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan ) oo ka jawaabayey hadalka Wasiir fiqi ayaa waxa uu ku tilmaamay “Xaasidnimo”.

“Wasiirka Arimaha Dibadadda ee Soomaaliya ee shalay hadlay, hadalkiisa marka lasoo aruriyo waa xaasidnimo iyo nacayb u uu qabo Somaliland” ayuu yri Cali Mareexaan.

Somaliland ayaa waxa ay qabatay doorasho qof iyo cod ah oo dad badani ku tilmaameen in aysan suuragal ka ahayn dalal badan oo Afrika ah.

“Ilaa toddoba safiir oo dawlada waaweyn ah iyo hay’ado badan iyo raiisulwsaarayaal horre iyo dad caan ah aya anoo yimid , dolwadahaas iyo dadka noo yimid wax isaga ay uga fasax qaadnayaan ma aha, waxayna ila tahay in dowladaha Yurub iyo maraykanka ayna oran Karin maxaad Hargeysa u tagteen,” ayuu yiri Cali Mareexaan.

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa bilihii ugu dambeeyay si gooni ah uga dhex jiray muran adag oo salka ku hayay heshiiskii ugu dambeeyay ee is afagarshada ee ay Somaliland la gashay Itoobiya, waxaana marar badan ay hawada isku mariyeen eedeymo.

‘Cabashada Soomaaliya’

Cabdulqaadir Muxamed Axmed oo bartay Xiriirka Caalamiga iyo Diplomasiyadda waxa uu qabaa in Soomaaliya ay dal ahaan xaq u leedahay in ay iska diido waxyaabaha qaar marka loo eego dhaqan dublumaasiyadda, sida nuuca hadalada ay xusheen safiiradu marka ay warkooda soo saareen.

Balse marka taas laga soo tago ayaa waxa uu qabaa in Somaliland ay marwalba mudan tahay in lagu amaano “qaabka wanaagsan ee ay u dhacday doorashada, ayna mudantahay in Soomaaliya inteeda kale ay ku dayato”.

Shuruucda dublumaasiyadda ee ay kuwada xiriiraan dowladuhu ayuu sheegay in ay yihiin kuwa intooda badan cad oo aan u baahanayn isqabqabsi, wadamaduna si dhib yar ku xallin karaan dhexdooda.

In kasta oo Somaliland aanay aqoonsi calami ah ka helin caalamka haddana waxaa aad loogu amaanay doorashooyin ka dimuquraadiyadda oo ay in muddo ah kusoo caanamaaleysay, iyadoo dhowr madaxweyne oo kala duwan si nabad ah xilka iskugu wareejiyeen markii doorashooyinku ay ka dhaceen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post