87 Views

Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho Iyo Muscat oo isku furmaya iyo faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira

Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho Iyo Muscat oo isku furmaya iyo faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira
____________________________________________________________________________

Diyaaradda SalamAir oo laga leeyahay dalka Cumaan ayaa shaacisay in ay bilaabi doonto duulimaad toos ah oo isku xiraya caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, iyo caasimadda Cumaan, Muscat, laga bilaabo 16-ka Janaayo 2025.

Tani waxay noqonaysaa duulimaadkii ugu horreeyey ee toos ah oo isku xira Soomaaliya iyo Saldanadda Cumaan, sida ay ku dhawaaqday hay’adda duulista rayidka ee Cumaan.

Fursadaha Ganacsi iyo Isdhexgalka Bulsho
Duulimaadkan oo ah toddobaadle ayaa lagu wadaa in uu dhiirrigeliyo xiriirka dhaqaale iyo dhaqanka ee u dhexeeya labada dal.

Waxaa sidoo kale fursad weyn loo arkaa in uu ka faa’iideysto ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Cumaan.

Tikidhada diyaaradda SalamAir ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwa raqiis ah, taasoo fursad siin karta rakaabka doonaya inay si fudud u safraan.

Duulimaadka cusub ayaa kor u qaadi doona isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya iyo Cumaan.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa heli doona marin sahlan oo ay ugu safraan Muscat, halka bulshadu ay fursad u heli doonto inay xiriir dhow la yeeshaan bulshada Cumaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post