Gabriela, waxay gashay Maraykanka muddo labaatan sano ka hor iyadoo neef-qabatinowday markii la galiyey qeybta dambe gaari ay ku rasaysnayd galay oo ay wateen koox wax tahriibisa.
Hadda waa gurlai ialiso gobolka Maryland, muwaadinkan Boliviyanka ah waa mid ka mid ah ugu yaraan 13 milyan oo muhaajiriin aan la diiwaan galin oo ku nool Mareykanka.
Dhammaan Maraykanka, muhaajiriinta sida Gabriela, oo kale ayaa la tacaalaya waxa ay ka dhigan tahay ballanqaadka maamulka Trump ee ku saabsan fulinta musaafurinta ballaaran iyo sida ay u saameyn karto mustaqbalkooda.
In ka badan daraasiin waraysi, muhaajirint aan diiwaan gashnayn ayaa sheegay in doodadaha ugu badan ee ugu kulul ee ku dhexmara baraha bulshada sida whatsappka ay tahay mowduucaas.
Qaar, sida Gabriela, waxay aaminsan yihiin inaysan saameyn ku yeelan doonin iyaga.
“Waxba kama baqayo, dhab ahaantii,” ayay tiri. “Taas waa in dambiilayaashu ay ka werweraan, canshuur baan bixiyaa, waana shaqeeyaa.”
“waxay doontaba, ma diiwangashani,” eyey intaa ku darta. “[Sidee] xitaa ayay igu ogaan lahaayeen?”
Xilligii ololaha doorashada, muhaajiriintu waxay ahaayeen mowduuca walaaca wayn ay ka muujinayeen codbixiyaasha Maraykanka, Trump-na wuxuu si joogta ah u ballan qaaday inuu si weyn muhaajiriinta ugu musaafurin doono ciida maraykanka maalinta kowaad ee uu xafiiska tago, haddii uu ku guulaysto madaxweynanimada.
Laakiin ku dhawaad laba toddobaad ka dib markii uu si weyn ugu guulaystay doorashada, ma cadda sida dhabta ah ee hawlgalladan fulinta socdaalka ay u ekaan doonaan.
Madaxweynaha la doortay ayaa ku adkeystay in qarashka uusan noqon doonin dhibaatada, laakiin khubarada ayaa ka digay in ballanqaadyadiisa ay la kulmi karaan caqabado dhaqaale iyo saadka oo aad u weyn.
Tom Homan, oo uu dhawaan loo magacaabay “qofka ugu sarrreeya arrimaha xaduudaha”, ayaa sheegay in muhaajiriinta aan sharciga haysan ee loo arko inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ama amniga bulshada ay noqon doonaan kuwa mudnaanta leh.
Isagoo la hadlayey la hadlayey Fox News sabtidii, kusimihii hore ee waaxda socdaalka haddana loo magacaabay arrimaha xaduudaha ayaa si weyn uga horyimid firkadaha qaar oronaya “in kuwa la sharciga dhaqan galinaya ay yihiin kuwo xun xun halka kuwa sharciga jabinayana ay yihiin dhibanayaal”.
“Waa xildhibaan kee, waa guddoomiye goboleed kee, ama waa duqee kan ka soo horjeeda in khataraha amniga bulshada laga saaro bulshadaas?” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in maamulka cusub uu “fulin doono wajibaadka ay shacabka Ameerikaanku siiyeen Madaxweyne Trump.”
Qorshaha mas’uuliyiinta Mareykanka ee ah inay tarxiilaan muhaajiriinta wax cusub maaha. In ka badan 1.5 milyan oo qof ayaa la tarxiilay xilligii madaxweyne Joe Biden, marka lagu daro malaayiin laga celiyay xadka intii lagu jiray masiibada Covid-19.
Muddadii siddeedda sano ahayd ee maamulkii Barack Obama – oo dadka qaar ay ugu yeeri jireen “Madaxa musaafuriska” – ilaa saddex milyan oo qof ayaa la tarxiilay, iyadoo diiradda la saaray ragga doobabka ah ee ka imaanayey dhanka Mexico, kuwaas oo si fudud looga soo tarxiilay gobollada xadka.
Si kastaba ha ahaatee, qorshayaasha uu Trump ballanqaaday ayaa ah kuwo baaxad weyn oo ah kuwo xooggan. Sida la sheegayo, mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ka fiirsanayaan in ay isticmaalaan Ciidanka Qaranka iyo diyaaradaha milateriga si ay u xirxiraan dadka ugu dambeyntiina u tarxiilaan
Madaxweyne xigeenka Maraykanka JD Vance, ayaa sheegay in tarxiilku ku bilaan doono hal milyan oo qof.
Ilaa hadda qaar ka mid ah muhaajiriinta aan diiwan gashanyn ayaa aaminsan inay ka faa’iidi doonaan Madaxtinimada Trump halkii laga tarxiili lahaa
“Dad badan oo Laatiinays ah kuwaas oo xaq u lahaa in ay codeeyaan ayaa sheegay in Trump u fiican yahay dhaqaalaha, taasi ayaana annaga sidoo kale noo fiican” ayuu Yiri Carlos, oo aan sharci haysan una dhashay Mexico balse haatan ku nool New York. Wiilkiisa ayaa haysta dhalashada Marayakanka.
Sida laga soo xigtay Golaha Socdaalka ee Maraykanka – oo ah urur aan dhinacna ka tirsanayn oo sameeya cilmi-baaris, una dooda in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka socdaalka Mareykanka – waxaa jira in ka badan shan milyan oo Maraykan ah oo ay dhaleen waalidiin aan sharci lahayn.
Carlos, wuxuu sheegay “inuu ka yar ka walwalsan yahay in lagu qabto howlgallada socdaalka.
Waxaa jira qaar kale oo badan oo aan rajooyinkaan oo kale qabin, oo ku nool cabsi.
Dadkaas waxaa ka mid ah Eric Bautista, oo deggan California, kuna magac dheer “Dreamer”, wuxuu ka faa’iidaysanaya sharci muddo dheer jiray oo musaafurinta ka ilaalinaya dadka iyagoo yar Maraykanka ku soo gala tahriibta.
Hadda waa 29 sano jir, wuxuu xasuustaa noloshii Mexico – wadankii uu ku dhashay ee uu ka soo tagay isagoo toddobo sano jir ah.
Afartii sano ee la soo dhafay, wuxuu baranayey taariikhda Maraykanka isagoo ku jiray dugsiga sare, waxaana ka mid ah waxyaabaha uu darsay sida mowjado muhaarijiinta ah oo ka imaanayey dalalka Talyaaniga, Shiinaha, Japan iyo Mexico ay ula kulmeen falal shisheeye nacayb ah.
Wuxuu BBC-da u sheegay Bautista “inuusan waligiisa waxaas oo kale arkin muddo labaatan sano oo ku noolaa dalka Maraykanka”
Qareennada iyo khubarada sharciga ayaa sheegay in aanay jirin dammaanad qaad ah in muhaajiriinta aan sharciga haysan aan lagu dari doonin dadaallada tarxiilka ee kor loo qaaday.
Soogalootiga aan sharciga haysan ayaa ka shaqeeya dhaqaalaha Maraykanka oo dhan – laga bilaabo beeraha ilaa bakhaarada iyo goobaha dhismaha.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________