66 Views

Waa kuma Axmed Isaaq oo loo magacaabay guddoomiyaha hay’adda kormeerka booliska Kenya

Waa kuma Axmed Isaaq oo loo magacaabay guddoomiyaha hay’adda kormeerka booliska Kenya
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa guddoomiyihii hore ee guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee dalka kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo IEBC, Axmed Isaaq Xasan u magacaabay guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Kormeerka booliska ee Madaxa-banaan ee lagu magacaabo IPOA.

Axmed Isaaq ayaa hoggaamin doona guddi ka kooban ilaa toddobo xubnood oo a la magacaabay.

Axmed iyo xubnaha kale ee la magacaabay ayaa la filayaa in ay ilaaliyaan waajibaadka hay’adda IPOA, ee ah in ay baaraan cabashooyinka ka dhanka ah booliiska, dhaqan gelinta la xisaabtanka, iyo in ay dhisaan kalsoonida shacabka ee hay’adaha fulinta sharciga.

Hoggaanka IPOA ee dib loo cusboonaysiiyay waxa uu imanayaa iyada oo si weyn loo baarayo cabashooyin ka yimid dadweynaha oo ku saabsan hab-dhaqanka ciidanka booliska.

Waa kuma Axmed Isaaq Xasan.

Axmed Isaaq Xasan wuxuu ka soo jeedaa gobolka Soomaalida Kenya ee Waqooyi- Bari, wuxuuna waxbarahadiisii dugsiga sare ku soo qaatay magaalada Gaarisa ee gobolkaas sanadkii 1988-kii ka hor intii aanu u sii gudbin Jaamacadda Nairobi oo uu sannadkii 1992-kii ka qalin-jabiyay kana qaatay shahaadada koowaad ee sharciga.

Wuxuu sidoo kale sii watay waxbarashadiisii la xiriirtay dhanka sharciga isagoo sidoo kale shahaado ka qaatay iskuulka sharciga Kenya sanadkii 1994-tii. Intaas kadib wuxuu noqday qareen dhanka sharciga oo uu ka noqday Maxkamadda sare ee Kenya sanadkii 1995.

Kadibna wuxuu u weecday shaqooyin gaar u ahaa isaga oo ku saabsanaa dhanka sharciga.

Laga soo bilaabo bishii November sanadkii 2011-ka ilaa bishii October 2016-kii, wuxuu ahaa guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya.

Axmed Isaaq Xasan waa Qareen leh 30 sano oo khibrad ah, waxaana ka mid ah meelaha uu ka soo shaqeeyay oo uu ka sameeyay talooyinka dhanka sharciga ah Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Namibia, iyo Afgaanistaan.

Kenya wuxuu soo maamulay dhowr doorasho wuxuna la soo shaqeeyay madaxweynayaal kala duwan iyo mas’uuliyiin kale oo xilal sare sare ka soo qabtay Kenya.

Axmed Isaaq Xasan muddo sanooyin ayuu ahaa guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya.

Mar uu waraysi bixiyay Axmed Isaaq wuxuu sheegay intii uu ku jiray arrimaha doorashooyinka Kenya in “Hooyadii ay Gaarissa ka soo safartay oo Niarobi ay isaga ugu tagtay isla markaana ay kula talisay inuu shaqadaan iska dhaafo, iyadoo xilligaas u sheegtay in mid ka mid ah mas’uuliyiinta Kenya ee xilligaas ku jiray ololaha doorashada ay isaga diidanaayeen”.

Hay’ado kale oo caalami ah ayuu dhanka sharciga kala shaqeyay, isagoo sidoo kale qayb ka ahaa sharci yaqaannadii qaybta ku lahaa sameynta dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya sanadihii 2006-dii, 2008-dii ilaa 2009-kii.

Dowladii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya isla markaana uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo Kenya lagu dhisay ayuu sidoo kale Axmed Isaaq Xasan ka soo noqday lataliye gaar ah oo dhanka sharciga ah.

Bishii Abriil 2011-kii, wuxuu soo noday Madaxa Kormeerayaashii ka socday Midowga Afrika ee doorashooyinkii Nigeria. Bishii Disembar 2012-kii, wuxuu ahaa Madixii Ergada Goobjoogayaashii EISA ee doorashooyinka Ghana.

Waxa kale oo uu ka shaqeeyaa Guddiga Sare ee Ururka Hay’adaha Doorashada Adduunka (A-WEB) ee fadhigiisu yahay Seoul. Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayuu sidoo kale la soo shaqeeyay.

Bishii Disembar 2010, Axmed Isaaq Xasan waxa la guddoonsiiyey Abaalmarin la yiraahdo Uwiano Platform Award oo ay siisay QM.

Axmed ayaa ku hadlo dhowr luuqadood sida Sawaaxiliga, Ingriisiga, iyo Soomaaliga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post