120 Views

Masar oo ku dhawaaqday in ay ciidamadeeda diyaar u yihiin ka mid noqoshada howlgalka cusub ee Soomaaliya

Masar oo ku dhawaaqday in ay ciidamadeeda diyaar u yihiin ka mid noqoshada howlgalka cusub ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar, Badr Abdelatty  ayaa ku dhawaaqay in ay ciidamo nabad ilaalin ah u soo diri doonaan Soomaaliya. Qorshahan ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee billaaban doona sannadka 2025.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan xasilloonida iyo amniga Soomaaliya, iyaga oo gacan ka geysanaya dib u dhiska dowladnimada dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay noqon doonaan kuwo si fiican u tababaran, isla markaana ay la jaanqaadi doonaan baahiyaha iyo duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu xusay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

“Masar waxaa ay gudbisay dalabkeeda ka mid noqoshada howlgalka cusub ee Soomaaliya, Dowladda Federaalka waa soo dhoweysay, sidoo kale Midowga Afrika waa boggaadiyeen, balse waxaa la sugayaa in ay ansixiyaan golaha amniga ee QM” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sheegay in aysan cidina duulaan ku aheyn balse ay kaliya doonayaan in ay caawiyaan shacabka iyo dowladda Soomaalya.

Hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa ku soo aadaya xilli uu gabo gabo yahay mudada ay ciidamada ATMIS sii joogi karaan gudaha dalka, iyada oo uu billaaban doono howlgalka cusub ee AUSOM, sannadka soo socda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post