Madaxweynaha Dowladda goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo xiray shirkweynaha dib u heshiisinta beelaha walaalaha ah ee dhawaan ku dagaalamay Degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyada oo ay shirka soo abaabushay Wasaarada arrimaha gudaha, Federaaleynta iyo dib u heshiisinta Jubaland.
Shirkaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Baarlaamanka Sheekh Cabdi Cabdiraxmaan, Madaxweyne ku xigeenka 1aad Maxamuud Sayid Aadan, Xildhibaano iyo wasiiro katirsan XFS, qaar kamid ah masuuliyiinta goleyaasha Dowladda iyo odayaasha dhaqanka labada beelood ee shaqaaqadu dhexmartay.
Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in beelaha walaalaha ah ee dagaalamay, inay heshiiyaan, ayna garowsadeen muhiimada ay nabaddu u leedahay dadka ku wada nool Degmada luuq loona baahan yahay in nabadd lagu wada noolaado.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maleeshiyooyinka colaadaha hurinaya aan laga ogolayn deegaanada Jubaland isla markana talaabo laga qaadi doono hubka oo gacanta shacabka gala iyo abaabulka maleeshiyada qabiilkana aan marna la aqbali doonin.
Dhanka kale, Madaxeynaha ayaa sheegay in ay Maxkamaddaha iyo hay’adaha Cadaaladda ay gudan doonan shaqadooda, isla Markana xukunadda qisaasta ah aan lagaga gaban doonin in mag ay kala qaataan qabaa’ilka iyadoo xukunka qisaasta ah oo la fuliyo ay yarayn doonto dilalka macno darada ah.
Odayaasha labada beelood ee ku dagaalamay Degmada Luuq ayaa heshiis ka gaaray waxyaabahii dhacay inta uu dagaalku socday, iyaga oo sidii dhaqanku uu ahaa sabeen isku xiray kana garaabay waxyaabahii soo kala gaaray labada dhinac.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Axmed Madoowe ayaa u mahad celiyay dhammaan odayaasha dhaqanka gaar ahaan Malaaqyadda, Ugaasyadda iyo waxgaradka deegaanka oo u hogaansamay awaamiirta Dowladda ee ah in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________