63 Views

Itoobiya oo dooneyso in ay kamid noqoto howlgalka cusub ee ka billaabanaya Soomaaliya

Itoobiya oo dooneyso in ay kamid noqoto howlgalka cusub ee ka billaabanaya Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Wasiirada Difaaca ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa magaalada Adis Ababa kulan ku yeeshay, iyaga oo uga hadlay qorshaha kala guurka iyo bixitaanka ciidamada ATMIS.

Shirkaan heerka ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Amniga ee dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, iyo Uganda.

War-murtiyeedka oo ay heshay Warbaahinta Addis Standard ayaa lagu sheegay kulankooda ay kaga wada hadleen howlgalka cusub ee badalaya Ciidamada ATMIS iyo qorshaha sida ay ugu diyaarsan yihiin ka qey qaadashadiisa.

Sidoo kale, War-murtiyeedka wadajirka ah ee Itoobiya, Burundi, Jabuuti, Kenya, iyo Uganda ayaa lagu xusay in ay Soomaaliya ka shaqeynayeen toddoba iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, welina ay diyaar u yihiin ay sii wadaan howlahooda.

Wasiirradu waxay muujiyeen walaacooda ku aadan in la hubiyo in dhaqaale fiican loo helo howlgalka AUSSOM ee badalaya ATMIS.

Horaantii sanadkan, Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Itoobiya aysan ka mid noqon doonin howlgalka cusub ee badalaya ATMIS, haddii aysan ka noqon heshiiska is afgaradka ahaa ee Somaliland kala saxiixdeen bishii Janaayo 2024.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post