111 Views

DF oo la wareegtay shixnad gargaar ah oo Dowladda Turkiga ugu talagalay shacabka Soomaaliyeed

DF oo la wareegtay shixnad gargaar ah oo Dowladda Turkiga ugu talagalay shacabka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta Dowladda Federaalka waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad Gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Gargaarkaan ayaa ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, Teendhooyin iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolasha, kuwaas oo dhan 3,000 oo tan.

Gargarkaan waxaa la wareegay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Saalax Axmed Jaamac oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, waxaana sidoo kale xafladaan qeyb ka ahaa safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’addaha gargaarka biniaadannimo u qaabilsan Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa dawladda Tukiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post