6 Views

Soomaaliya oo ka hadashay hub la sheegay in Itoobiya ay usoo dirtay Puntland

Soomaaliya oo ka hadashay hub la sheegay in Itoobiya ay usoo dirtay Puntland
____________________________________________________________________________

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ay soo saartay ku sheegtay walaaca ay ka qabaan ‘hub’ ay sheegeen in Itoobbiya ay si ‘sharcidarro ah’ ugu soo dirtay Maamulka Puntland.

Warsaxaafadeed soo baxay caawa ayaa lagu sheegay in Somaaliya ay arrintaas u aragto fal ‘xad gudub ku ah madax bannaanideeda’.

Soomaaliya ayaa sida oo kale warsaxaafadeedkaas ku sheegtay in arrintani aanay ahayn mid cusub ee ay tahay dhacdo sida oo kale horena uga dhacday maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

“Dhacdadan waxa ay daba socotaa shixnado hub ah oo si sharci-darro ah oo hore looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo la geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, iyo shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya.”

“Falalkan soo noq-noqday waxa ay muujinayaan tixgelin la’aanta joogtada ah ee Itoobiya ku hayso Madaxbannaanida Soomaaliya.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaana ugu baaqayday saaxiibadeeda caalamka in ay cambaareeyaan falalnkan, sida oo kalena ka dalbatay Itoobbiya in ay joojiso hawshan.

Soomaaliya iyo Itoobbiya ayaa muddooyinkii u danbeeyey xidhiidhkoodu xumaa tan iyo sannadkan horrantiisii markii ay heshiis is afagarad ah la gaadhay Somaliland.

Maamullada Soomaaliya ayaana qaarkood la arkayey iyaga oo taageero u muujinaya ciidammada Itoobbiya ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, sida Koonfur Galbeed.

Halka dhanka kale, uu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Itoobbiya iyo maamullada Soomaaliya qaarkood.

Dhanka kale, waxaa muuqaallo aanay BBC si madaxbannaan u xaqiijin laga arkayey baraha bulshada kuwaas oo lagu tilmaamayey shixnado hub ah oo ka yimi dhanka Itoobbiya, gaar ahaan Dowlad Deegaanka, kuwaas oo soo gaadhaeyey deegamada maamulka Puntland.

Maxay Puntland ka tiri?

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay la wareegeen saddex gawaarida xamuulka ah oo ay ka buuxeen hub kaasoo sida la sheegay ka yimid Itoobiya. Sida ay wararku sheegayaan hubkan ayaa waxaa dhexda u galay koox dooneysay inay la wareegaan xilli ay gawaaridu marayeen deegaanka Bookh.

Muuqaallo saakay la iska dhex marayay baraha bulshada ayaa muujinayay gawaarida xamuulka oo ay gelbinayaan ciidamo la sheegay inay yihiin kuwa Puntland, hase yeeshee looma hayo wax xaqiijinaya.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland iyo kan Dowlad Deegaanka Soomaalida, hase yeeshee xiriir aan la sameynay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa wuxuu sheegay inuusan waxba ka jirin warka ah in hubkaasi laga soo geliyay dhanka Itoobiya, wuxuuse ka gaabsaday jiritaanka hubkan.

“Waa wararka lagu qoray baraha bulshada, balse waxba kama jiraan.” Ayuu ku gaabsaday.

Sidoo kale xiriirro kala duwan oo aan la sameynay deegaannada ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ee la sheegay in hubkaasi uu ka yimid ayaysan inoo suurtogelin.

Bishii July ayay ahayd markii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku eedeysay Itoobiya inay hub soo gelisay maamulka Galmudug.

Gawaari xamuul oo hub siday ayaa laga qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee maamul-goboleedka Galmudug, kuwaasoo la sheegay inay kasoo gudbeen xadka Itoobiya, hubkaas ayaana gacanta u galay dadka deegaanka.

Jamhuuriyadda iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa xilligaasi dhankeeda war ka soo saartay hubka gacanta u galay malleeshiyaad iyo dad shacab ah oo ku sugan deegaanada Galmudug kaas oo la sheegay inuu ka soo tallaabay xadka dowlad deegaanka Soomaalida.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland oo afka ingriiska ku qornaa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay welwel xooggan ka muujinayso hubkaas.

“Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan…waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ka taagan,” ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa tiri: “Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujisay khalkhalka uu sababayo hubka faraha badan ee ku dhex faagsan Soomaaliya, sida aan ka arki karno dhacdooyinkii u dambeeyay”.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ay weli taagan tahay, taasoo ka dhalatay heshiiskii is afgarad ee Itoobiya ay horraantii sanadkan la saxiixatay Somaliland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post