81 Views

Shirka Goalaha Wasiirada oo lagu magaacabay Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha

Shirka Goalaha Wasiirada oo lagu magaacabay Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka, waxaana sidoo kale lagu ansixiyay magacaabista mas’uul cusub.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayada oo inta badan ay goobjoog ahaayeen wasiirada.

Golaha ayaa ugu horreyntii ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo noqonaya  Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Intaas kadib golaha ayaa guda galay dood kale oo ku aadan Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, kaas oo isna shirka lagu meel-mariyay.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixino  kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

Waxaa kale oo golaha wasiirada ay ka hadleen ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaga oo bogaadiyay guulaha ay gaareeb ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Khamiis weliba ayaa la qabtaa shirka golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana looga hadlaa xaaladda dalka ammaanka iyo qorshaha xukuumadda ee markaasi taagan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post