75 Views

Maxaa kajira in deegaanno ay Soomaali deggen yihiin laga helay Furuqa Daanyeerka oo dalal badan ku faafaya

Maxaa kajira in deegaanno ay Soomaali deggen yihiin laga helay Furuqa Daanyeerka oo dalal badan ku faafaya
____________________________________________________________________________

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku dhawaaqay in shaqsi looga shakiyay inuu qabo cudurka furuqa daanyeerka oo ku nool deegaanka Soomaalida haatan la karantiilay

Xafiiska Caafimaadka ee dowlad Deegaanka Soomaalida, Wuxuu shaaca ka qaaday in shaqsi looga shakisan yahay xanuunkan loo yaqaanno Monkeypox, oo ah xaalad caafimaad oo caalami ah haatan la geliyay go’doon iyadoo baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo.

Ku-xigeenka xafiiska caafimaadka ee deegaanka, Maxamed Ayaanle, ayaa BBC-da u sheegay in dheecaanno laga qaaday qofka looga shakisan yahay inuu qabo xanuunkan loo diray machadka caafimaadka dadweynaha ee Itoobiya si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka xafiiska caafimaadka qofka lagu arkay calaamadaha xanuunkan nabraha badan ayaa laga helay degmada Qabri-bayax ee deegaanka Faafan ee gobolkaasi. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku macneeyeen inaan weli la xaqiijin in calaamadaha lagu arkay qofka inay yihiin cudurka furuqa daanyeerka.

“Hadda waxaa meeshaas ka muuqda calaamado, baaritaan ayaa laga qaadayaa si qofka loo aqoonsado waxa rasmi ah ee uu qabo. Laakiin weli ma jiro wax xaqiijin ah,” ayuu yiri Maxamed Ayaanle, isaga oo sharraxaya in arrinta “laga shakisan yahay oo aanay ahayn kiis la xaqiijiyey.”

Sawirka nin qaba nabarada maqaarka oo la mid ah calaamadaha furuqa daanyeerka ayaa dhex wareegaya baraha bulshada Soomaalida.

Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska ayaa sheegay in tuhmanuhu uu yahay qofka laga qaaday saawirka la’isla dhex qaadayo baraha bulshada. Laakin kiiska aan weli caddayn. “Laba kiis oo cudurkan la mid ah ayaa hadda ka hor la soo sheegay. Laakiin waa cudur kale. Weli ma dhihi karno waa sidan oo kale sababtoo ah waxaa jira cudurro la mid ah”.

Waa la go’doomiyey, waanu arki doonnaa ilaa laga xaqiijiyo,” ayuu yiri.

Maxamed waxa uu sharraxay in baaritaanka laga qaaday qofka loo diray machadka caafimaadka dadweynaha ee Itoobiya si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Inkasta oo uu ku-xigeenku sheegay in qofka xanuunkan looga shakisan yahay uu yahay hal qof, haddana xafiiska caafimaadka ee gobolku waxa uu war-saxaafadeed uu shalay fiidkii soo saaray ku sheegay in “shaybaarka sare loo diray laba qof oo laga qaaday baaritaanka”.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ayaa lagu yiri “Xirfadlayaasha caafimaadka ee la geeyay degmada Qabri-Bayax ayaa ku dhawaaqay in lix qof oo isku qoys ah ay soo sheegeen calaamadaha furuqa laba toddobaad ka hor”.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in shaqsiyaadka laba toddobaad ka hor lahaa calaamadaha ay “ka soo kabteen” cudurka. Si kastaba ha ahaatee, xafiisku wuxuu sheegay in calaamad noocan oo kale ah lagu arkay laba qof oo kala ah aabbe iyo wiil, Waxa uu xusay in xaaladda labada qof ay soo hagaageyso.

Taleefan ay BBC-du kula xiriirtay Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee Itoobiya iyo Wasaaradda Caafimaadka si loo xaqiijiyo macluumaadka lagama jawaabin.

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Maqdes Daba, ayaa ku dhawaaqay todobaadkii hore, qoraalkiisa ku saabsan MPOX, “ilaa hadda, ma jiro bukaan looga shakisan yahay inuu qabo Furuqa daanyeerka ama qabo cudurka.”

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ay wado baaritaanno iyo dabagal dheeraad ah gaar ahaan meelaha laga baxo iyo kuwa laga soo galo ee gobollada Soomaalida, Oromiya iyo Koonfurta Itoobiya ee xuduudka la leh dalka Kenya, si looga hortago in cudurka uu soo galo dalka Itoobiya.

Gayiga Soomaalidu degto dhaqdhaqaaqyada noocan oo kale ah ayaa laga sameeyaa baaritaannada jidadka ee laga baxo iyo kuwa laga soo galo ee ku xiran “xuduudaha Somaliland, Jabuuti iyo Kenya,” ayuu yiri Maxamed, ku xigeenka xafiiska caafimaadka deegaanka Soomaalida. Waxa ay sidoo kale sheegeen in dadka mara wadooyinkaan la aqoonsan doono lagana qaadi doono baaritaanka hadii ay muujiyaan calaamado laga shakisan yahay.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa laba toddobaad ka hor ku dhawaaqay cudurka furuqa daanyeerka inuu yahay xaalad caafimaad oo deg-deg ah isla markaana caalami ah, Waxay ahayd ka dib markii nooc cusub oo cudurka ah uu ka dillaacay dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Kenya, Rwanda, Central African Republic iyo Burundi ayaa ka mid ah dalalka laga helay cudurka, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, la xaqiijiyay in 14 kun oo qof uu soo ritay tan iyo bishii Janaayo. 450 qof ayaa cudurka ugu dhintay dalka.

Furuqa daanyeerka waxa lagu kala qaadaa taabashada maqaarka iyo galmada qof qaba. Inaad la hadasho ama aad la sheekeysato qof cudurka qaba waxay sidoo kale ku gelinaysaa khatar caafimaad.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post