57 Views

Golaha shacabka oo mar kale ka dooday hirgelinta canshuurta iibka

Golaha shacabka oo mar kale ka dooday hirgelinta canshuurta iibka
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sii amba qaadida dooda ku saabsaneyd arrimaha canshuuraha iibka, cabashada ganacsatada kala duwan iyo sida lagu xalin karo.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay habka canshuurta loo qaadayo, hanaanka loo maray, cabashada ganacsatada iyo sidoo kale habka lagu xalin karo, waxaana inta badan Xildhibaanadu ay ka sinnaayeen muhiimadu ay qarankeena u leedahay bixinta canshuurta.

Guddoomiyaha golaha shcabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon doonto isla markaana la dhameystiri doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Sabtiga ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post