66 Views

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xaafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safaaradda Sucuudiga

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xaafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safaaradda Sucuudiga
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Suudaan ee Soomaaliya, Mudane Kamal Fathurahman. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga xun yihiin xaaladda ka taagan Suudaan, wuxuuna xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalahooda Suudaan, iyagoo diyaar u ah inay ka qeyb-qaataan dadaallada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta ee dalkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post