60 Views

Maxay qoyska fanaanad Asma Saban ka yiraahdeen sababa ay u geeriyootay?

Maxay qoyska fanaanad Asma Saban ka yiraahdeen sababa ay u geeriyootay?
____________________________________________________________________________

Waxaa magaalada Hargeysa lagu aasay fanaanada Asma Xasan Ismaaciil oo ku caan ahayd Asma Saban oo ka mid ahay faaniinta xidigaha geeska ee ka dhisan Jamhuuriyada Iskeed Madaxnabaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Sida uu BBC-da u sheegay abwaan Maxamed Siciid Cabdilaahi Xarago, marxuumada ayaa shalay gelinkii denbe ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

“Way caafimaad qabtay, wax xanuuna ahna ma qabin waa mowtul qafle ‘geeri deg deg ah’, waana u ducaynayaa haddaan nahay bahda xiddigaha geeska “ ayuu yiri abwaan Xarago.

Guddoomiyaha kooxda xiddigaha geeska Cabdiweli Ibraahim Furinle ayaa BBC-da u sheegay in Asma ahayd mid ka mid ahayd xiddigaha kooxda.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timo Asma, kaalinteeda kooxda waxay ahayd heesaa, kaalin fiican yeyna kaga jirtay kooxda” ayuu yiri Furinle oo la hadlayay BBC da.

Maqalka geerida ka dib baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku faafay warka sheegaya in marxuumadu is dishay.

Ehellada oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in warkaasi yahay been abuur, aysanna qoyska garanayn ujeedka ay ka lahaayeen dadka ku faafiyay baraha bulshada.

“Wax alle iyo wax ka jiraa ma jirto warkaas, geerida iyo waqtiga qadarta ayaa u yimid” ayuu BBC da u sheegay aabaheed Xassan Ismaaciil Saban.

Ehelku waxay intaa ku dareen in iyaga oo ku mashquulsan geerida dhacday ay maqleen warka lagu baahiyey baraha bulshada.

Kaalintii ay kaga jirtay kooxda

Sida uu BBC-da u sheegay abwaan Maxamed Siciid Xarrago, Asma Axmed ayaa kooxda xiddigaha geeska ee Hargeysa ku biirtay sanadkii 2017-kii.

Abwaanka wuxuu xusay in heestii ugu horreysay ee ay qaado uu isagu miraheeda lahaa taas oo la yiraahdo “Tusmo”.

“Waxay ka mid ahayd halbaha kooxda ee fanaaninta ah aniga waxay ii ahayd walaashay, waxay ka mid ahay fanaanintaa aan kooxda ku soo dhaweeyey, waxay ka mid ahayd xiddigaha kooxda” ayuu yiri abwaan Xarrago.

Waa tuma Asma Saban?

Asma Xasan Ismaaciil Saban, waxaa ehelkedu BBC-da u sheegeen inay sanadkii 1999-kii ku dhalatay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Waxay waxbarashada illaa dugsiga sare kaga baxday magaalada Hargeysa.

Dhammaadkii 2016 iyo bilowgii 2017-kii ayey ku biirtay koox faneedka Xiddigaha geeska ee ka dhisan Somaliland iyada oo magac ka dhaxameysay kooxda.

Qaar ka mid ah heeseheeda ayaa makiiba caan ka dhex noqday bulshada Somaalida.

Waxay allaha u raxmadee ay ifka ugu tagay saddex carruur ah.

Kooxda xiddigaha geeska

Kooxda xiddigaha geeska, waa koox faneed ka aas-aasantay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxa ay abuurmeen iyaga oo ah koox faneed dhameystiran, sida abwaaniin kooxda muusigga garaacda, mullaxamiistayaal iyo fannaaninta laftooda ee ku luuqeeya heesaha kala duwan.

Aas-aasayaasha kooxda waxaa kamid ahaa Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax oo ahaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee kooxda iyo mid kamida abwaaniinta ugu waaweyn isla markaana haatan ah xildhibaan katirsan baarlamanka Somaliland.

Sidoo kale laf dhabarta kooxda waxaa kamid ah Axmed weli Furinle oo kamid ah hoggaanka kooxda, muusiggana garaaca, iasga oo weli ka dhex muuqda kooxda.

Kooxda ayaa la’aas aasay xilli hore hase yeeshee waxa ay masraxyada Soomaalida si weyn u qabsadeen muddo hadda laga joogo dhowr iyo toban sano.

Xiddiguhu waxa ay caan ka ahaayeen guud ahaan gayiga Soomaalida iyagoo sameyn jiray bandhig faneedyo iyo heeso sanadle ah oo mar waliba ay si wada jir ah usoo saaraan.

Kooxda Xiddigaha geesku waxa ay soo mareen marxalado kala duwan iyadoo fanaaniin caan ka ahaa ay gebi ahaanba fanka isaga bexeen halka marba marka kasii dambeysana ay ku biirayeen fanaaniin kale, maamulka kooxda iyo hoggaanka sare ayaa is beddelay dhowr mar.

Fanaaniinta sida aadka ah ugusoo shaac baxay kooxda isla markaana fanka faarujiyay markii dambe waxaa kamid ahaa Maxamed Siciid BK, Cabdihani Xaashi, Xamda Queen iyo fanaaniin kale.

Fanaaniin badan oo ka tirsanaaa kooxda ayaa bandhig faneedyo ka qabtay dalal badan oo caalamka ah, laakiin sidii ay kooxda xiddigaha geesku ahaayeen muddooyinkii hore hadda uma laha carcartoodii badnayd sida ay dad badani qabaan.

______________________________________________________________________________

Xigasho: BBC Somali

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post