123 Views

Maxaa Looga hadlay Kulanka Laamaha Amniga Dowladda iyo Taliska Gobolka Banaadir?

Maxaa Looga hadlay Kulanka Laamaha Amniga Dowladda iyo Taliska Gobolka Banaadir?
____________________________________________________________________________

Kulan Ammaanka Caasimadda looga hadlaya ayaa waxaa iskugu yimid Hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Boliiska Soomaaliyeed .

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Wasiirka Amniga Sareeye Guuto Cabdullahi Shiekh Cismaan Fartaag, waxaana Ku wehlinayay Taliyaha Ciiidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Hey’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaaladda Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale .

Inta badan kulanka intuu socday waxaa lagu dheeraaday xaaladda nabad-galyada ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo ay hadalka iskaga danbeeyeen madaxdii kulanka kasoo qayb-gashay .

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post